Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Daahfuray Shirka Horumarinta Beeraha Somaliland

0
363

Hargeysa (Dawan) Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa furay shirka horumarinta Beeraha oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Horumarinta Beeruhu.

Shirkan oo muddo laba maalmood ah ka socon doona Huteelka Grand Hadi, waxa kaloo ka soo qaybgalay Wasiirro, Guddoomiyaha Baanka dhexe, aqoonyahannada beeraha iyo beeraleyda dalka.

Wasiirka Horumarinta Beeraha mudane Axmed Muumin Seed, ayaa ka warramay qorsheyaasha wasaaradda ee la xidhiidha sidii Somaliland ay u gaadhi lahayd isku filaansho dhinaca cuntada ah, sidoo kale waxa uu ka hadlay siday u taageeraan beeraleyda dalka.

Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Md. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in loo baahan yahay in kor loo qaado wax-soo-saarka Beeraha, waxaanu tilmaamay inay dalka dhibaato ku hayso lacagta ku baxda cuntada dibadda laga soo waaridaa.

Wasiirka Horumarinta Deegaanka iyo reer Miyiga Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Bandare, ayaa sheegtay in la dhiiri geliyo beeralayda dalka si ay wax soo saarkooda kor ugu qaadaan, waxaanay tilmaantay in ay lagama maarmaan tahay sidii dalku iskugu filnaan lahaa dhinaca cuntada.

Waxa kaloo shirkaas ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Rooble Cabdi Muuse, Wasiir Ku-xigeenka Xannaanada Xoolaha Marwo Yurub Abiib iyo Guddoomiyaha Baanka dhexe Cali Ibraahim Baqdaadi, kuwaasi oo ka warramay muhiimada shirkaasi.

Madaxwweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo si rasmi ah u furay shirkaasi ayaa Wasaaradda Beeraha ku bogaadiyey hawlaha horumarinta wax-soo-saarka tacabka beeraha.

Madaxweyne Ku-xigeenku waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay sidii ay wax ula qaban lahayd beeralayda, isagoo ganacsatadana ugu baaqay inay maalgashadaan beeraha dalka, si waddanku uga kaaftoomo cuntooyinka dibada laga soo waarido. “Xukuumaddu waxa ay sameyn doonta maalgeshi dhanka wax-soo-saarka beeraha ah, si dadka loogu dhiirigeliyo beeraha, loona gaadho isku filaanshiyo dhanka cuntada ah, taas oo ahayd himiladii xukuumaddii KULMIYE balanqaaday.

Waxaan aad ugu faraxsanahay in isbaddel weyni dalka imika ka soo socdo, oo sidii ay ahaan jirtay labaatan sano ka hor dadka beeraha lihii wax yar oo kooban ahaayeen, marka hadda reer magaalkii ayaa hadda ku sii socda dhinaca wax-soo-saarka beeraha, dhammaanteena aan isku dhiirigelino sidii aan uga bixi lahayn faqriga, ee aynu wax-soo-saarka u xoojin lahayn, oo keena ganacsatada ahi aqoontii iyo lacagtii iyo xoogiiba isugu geeyo waa ay midha dhaleysa”

Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha mudane Axmed Muumin Seed isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Khudrada dibeda inooga imanaysa maaha mid aynu sii eegan karno, sidaasi darteed waxaan ku boorinaya ganacsatada Somaliland ee madasha ku sugan inay garab nasiiyaan, oo beeraleyda garab siiyaan, oo iyagu dalkooda maalgashadaan.

Marka waxaa la yidhi ‘Inta beertaadu ku siiso bahda kuma siiso’, beeruhu waa asad aynu u baahanahay in aynu dhiirigelino in aynu dhulkeena wax kala soo baxno.

Wixii bulshada reer Somaliland ay soo saartay labadii sano ee u danbeeyay waxa aanu qorshaynay in ay dawladdu kala wareegto si ay dadku u helaan dhirigelin, deetana lacagta laga siisto ay beeraha dib ugu maalgashadaan”

Wasiirka Maaliyada Dr. Sacad Cali Shire oo isna goobtaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa yidhi. “In aynu wax ka qabano isku filaasho la’aanta cunada ee maanta ina haysata, waxa aynu u baanahay in aynu dhiirigelino beeraleyda ganacsiga, waxaa aynu u baahanahay in aynu maalgashano cilmibaadhista tijaabada iyo fidinta, waxa aynu u baahanahay in aynu maalgeshi ku sameyno beeraleydeena.

Maalgelinta beerahu waa ay ka khasaare yar tahay maalgelinta ganacsiyada kale, waxa aynu u baahanahay in la abuuro sanduuq malgalin beereed iyo iskaashi lacageed beeraha ah, si aynu wax uga qabano xaalada isku filaanshiyo cuno ee dalka.

Waxa daruuriya in la kobciyo wax-soo-saarka tiiyo la ogaanayo maalgelinta loo sameynayo beeraleyda nooca ay tahay”

Wasiirka Degaanka Shukri Baandare ayaa sheegtay in ay xooga saartay wax-soo-saarka dhinaca Bunka iyo Moringaha waxaanay tidhi.“Beeruhu waa aasaaska nolosha bini’aadamka Shukri Baandare waa bahda beeraleyda Somaliland, waxaan culeyska saaray wax-soo-saarka, Bunka iyo Moringaha, waxaan boggaadinayaa horumarinta beeraha Jamhuuriyadda Somaliland iyo dedaalada wax ku oolka ah”

“Beeruhu waa caafimaad, beeruhu waa mustaqbalka dalkeena, beeruhu waa wax ILLAAHEY ina siiyay, waxaan leeyahay beeraha haloo soo jeesto, xogeena aynu maalo ILLAAHEY dhul wanaagsan ayuu ina siiyay”Ayey tidhi Dr. Adna Aadan Ismaaciil.

Leave a Reply