Dadka waxa ugu ayaan daran ninka raba inuu godlado oo gaawaha u cusho hal aan xeradiisa joogin oo u irmaan dadkii lahaa oo maalanaaya.

0
761

Qormada arrimaha Bulshada ee todobaadkan wax aan gabi ahaan kaga hadli doona munaasibada inagu soo foolka leh ee 26 June oo ah maalin qaranka somaliland u gaara maxaa yeelay waa maalintii ugu horaysay ee uu dalkan xoriyadiisa ka qaatay gumaysigii Ingiriiska sanadkii 1960.kii hadaba iyada oo maalmo koobani inaga xigaan munaasibadaha lagu xusi doona 26.ka june ayaa waxa  is waydiin mudan bulshadeena gaar ahaan da,yarteenu maxay ka ogyihiin taariikhda 26.ka june, maxayse Gobannimadu  tahay?

ma la socotase in Gobannimadda maanta aynu haysano in ay u shahiideen110,000 oo Mujaahid, iyo inay ku dhawacmeen ku dhawaad 130.000? sidoo kale mala socotaa akhriste in Gobannimada aynu maanta haysano ay u soo miciyo lisanayaan codow iyo nacab badan oo ku sugan wadamada jaarka iyo meelo kale oo caalamka ahiba?

Inta aanan ka jawaabin su,aalahan iyo kuwo kale oo badanba bal aan idin xasuusiyo akhristayaal labadii sanno ee u dambeyey waxa jira da,daal iyo dagaalo ay xukuumada somaliya ugu jirtay sidii ay dunida u tusi lahayd inay xusayso waxa ay ugu yeedhaan maalmaha xoriyada balse ay awoodooda oo dhan isugu geeyeen xuska 26.ka june taas oo muujinaysa inay godlanayaan hal aan duleedkooda joogin xeradoodana aan ku jirin oo ay maalanayaan dadkii lahaa hashaa oo ah xoriyada maalinta qaran ee 26.ka june oo ah maalin uu leeyahay qarankan somaliland.

Waxana muhiima inay xukuumada iyo shacabka somaliland indho dheer ku eegaan damaca xamar ee ah inay dunida tusaan inay muhiim u tahay maalinta xornimada ee 26.ka june taas oo ah been iyo khiyaali ay ku jiraan ragga sheegta inay ka arimiyaan somaliya ee aan soo dhaafi madaxtooyada muqdisho, waxana lagama maarmaan ah in maalintan looga xuso somaliland si ka balaadhan sidii hore loogu xusi jiray.

Hadaba haddii aan dib u eegno taariikhda Isticmaar reer Yurub ee Africa qabsadey,gaar ahaan dalalka Soomaalidu degto,ayaa dalka Somaliland waxaa gacanta u galey Ingriiska 1827 ayuu heshiiskii ugu horreeyey Ingiriisku la galey Somaliland waxaana loo bixiyey Somaliland Protectorate oo macnaheedu yahay Somalilndtii la ilaalinayey ama maganta ahayd.

Haddii aan idin xasuusiyo deegaanada somalida ama oo shan ahaa ee gumaystu haystay ayaa kala ahaa

1-Somaliland oo maammulka Ingiriiska ku hoos jirtey muddo 80 sano ah iyada oo ka xoroowday 26 June ee sanadkii 1960.

2-Soomaalilda koonfureed oo iyana Talyaanigu gumeysan jirey ilaa 1 July 1960 `

3-Jabbuuti oo Faransiisku gumeysan jirey oo 27 Jun 1977 ka xorowdey.

5-NFD (Wajeer)oo xukuumaddii Ingiriisku siisay Kiiniya,walina gumeysi ku hoos jirta.

Hadaba Dadka reer Somaliland iyaga ayaa lahaa go,aankii 1960 ay ula midoobaan Soomaaliddii koonfureed,wax khasbayeyna ma jirin ee Soomaali-jecaylli  awgeed uun baa  keentey iyo iney shantii Soomaaliyeed helaan oo isu keenaan.

Ka dib waxa dhacdey in Koonfurtii Soomaalia ay isku darsadeen 1 July 1960. Xornimadoodii,Dowladnimadood,Qarankoodii,Caasimadoodii,Taladoodii,Dakadoodii,Aqoonyahankoodii iyo dalkii oo dhanba Xamar bay ku-shubeen.

Markii Somaliland iyo Somalia isku darsadeen 1 july 1960 markiiba koonfurtu waxay inoo aragtey inaan dad waalan nahay oo waxba garaneyn iyadoo sanad la gaadhin kolkan isku darsaney  waxay bilaabeen howshan xaq daradda ah:

Waxay inoo bixiyeen Somali Qaldaan iyo ereyo kale oo dhamaan ba muujinaaya sidii aynu ugu deg degnay inaan la midawno ee aynu isaga gudhinay hasheenii maandeeq iyo xornimadeeniiba.

Intaa ka dib Waxa dhacay in xasuuq iyo burbur loo geysto ummaddii Somaliland markeynu isku darsaney koonfurta Somalia waxa dhacay halgan hor leh.

Somaliland,Waxa halgankii xoriyadda ee  1981 ilaa 1991 ka qayb qaatay dhamaan bulshadda Somaliland mid naftiisa u hura,mud xoolihiisa u hura,mid qalinkiisa u hura,mid murtidiisa u hura, iyo mid wax walba u horaba.

Hadaba maanta waxa lagama maarmaan ah in si wada jir ah loo ilaaliyo Gobanimada ay Somaliland  haysato taas oo u baahan in si xeel dheer loo baro  jiilba jiilka uu ka dambeeyo si aan loo iloobin wixii loo soo maray dalkan.la soco..qaybta xigta

 

Gumaysigu hashuu naga dhaceen,gurayey raadkeeda

Gu’yaal iyo gu’yaal badan,gama,a noo diiddey

Goobtey istaagtaba hashaan,joogey garabkeedda

Guuraa habeennimo hashaan,gebi walba u jiidhnay

Waxaan soo guclaynaba hashaan,rag isku soo gaadhney

 Gaashaan-dhiigeedii hashuu,galowgu eedaamay

 Hashii geeddankeedii rag badan,goodku ku casheeyey

Hashay labada gaalee is barkani,geydh u diriraysey

Gacmaa lagu muquunshaye xornimo,nooma ay garane.

Sagal Abdirahmaan Ahmed(filibiin)

Leave a Reply