Koomishanka Xuquuqal Iinsaanka Qaranka Somaliland oo Boggaadiyay Nadaafada Xabsiga Dhexe ee Burco

0
404

Burco (Dawan) Koomishanka xuquuqal iinsaanka Qaranka Somaliland, ayaa kormeeray xaalada saldhigyada iyo xabsiyada dhexe ee gudaha magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, isla markaana boggaadiyay nadaafada iyo daryeelka maxaabiista halkaasi ku xidhan.

Xubnahan guddida xuquuqal iinsaanka Qaranka Somaliland, ayaa waxa hoggaaminayay Komishaneer Cumar Xuseen, isaga oo si weyn ugu mahad naqay  masuuliyiinta xabsiga dhexe ee magaalada Burco, waxaanuu xusay in nadaafadda xabsigaasi tahay mida wanaagsan.

Guddidan ka socday xuquuqal iinsaanka Qaranka Somaliland, ayaa sheegay in wixii ay indhahooda ku soo arkeen muddadii ay ku guda jireen kormeerka saldhigyada iyo xabsiga dhexe ee magaalada Burco ay warbixin ka soo saari doonaan marka ay xarunta guud dib ugu laabtaan.

Isu-duwaha xuquuqal iinsaanka Qaranka Somaliland Cabdiraxmaan Cawil Qaasin, warbixin ka siiyeen xaaladda xuquuqal iinkaasna ee gobolkaas, waxaanu masuuliyiintaas uga mahadceliyay socdaalkan ay ugu xog-ogaal ugu noqonayaan xaaladda xuqaadaha aadamaha ee gobolka Togdheer waxaanu yidhi. “Waxaanu bilownay saaka subaxnimadii xabsiga dhexe ee magaalada Burco, xabsiga magaalada Burco waa mid nadaafadiisu aad u sareyso isla markaana ah mid dhawaan uu la dhisay, waanu soo dhaweynayna xubnaha guddida xuquuqal iinsanka ka socday ee gobolka Togdheer yimid, aad iyo aad ayaanu uga mahad celineyna sida wanaagsan ee ay u wadaan”

Komishaneer Cumar Xuseen ayaa sheegay  in nadaafadda xabsigaasi tahay mid wanaagsan waxaanu yidhi. “Waxaanu booqasho ku nimid xabsiga dhexe ee magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxaan aad ugu mahad naqaya taliyaha xasbiga Burco, kormeerkii iyo indha indhayntii sharcigu uu na siiyay ayaanu u joognaa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Mudada aanu ku sugnahay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer waxa aanu u kuurgeli doona xaalada Maxaabiista, waxaa aanu ka bilownay xabsigan aanu imika taaganahay, waxaanan aad ugu mahad celinaya masuuliyiinta hareerahayga taagan, oo shaqo wanaagsan ka qabtay xabsiga, intii aanu xabsiyada soo maraynay xabsigani waa xabsigii na raaligeliyay, shaqo wanaagsana ay xukuumaddu ka qabatay  masaajidkii ay maxaabiistu ku cibaadeysanayeen ayaa goobta laga dhisay, sida oo kale xilligii aanu la kulanay waa ay cadceedsanayeen”

Taliyaha xabsiga magaalada Burco gaashaanle sare Xuseen Yuusuf oo isna goobtaasi ka hadlay waxaa uu yidhi.  “Farxad ayay noo tahay in saaka ay noo soo galaan annaga oo hawl maalmeedkayagii caadiga ku jirna isla markaana ayna indha indheeyeen, isla markaana ay xog ogaal u noqdaan, haddii ay nadaafad tahay, haddii ay xog tahay, haddii ay nidaamka kale ee xabsiga tahayba, wixii ka soo baxana iyaga uunba ka jawaabi doona, aad iyo aad ayaanan ugu hanbalyaynayaa dhab ahaantii booqashada kediska ah ee ay noogu yimaadeen, waanay arkeen xaalada guud ee xabsiga dhexdiisa ka jirta, waanay ku qanceen”

Leave a Reply