Wasiirka Warfaafinta Dalka ku soo dhaweeyey wefti ka socda Itoobiya

0
310

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyi-gelinta JSL ahna afhayeenka xukuumadda Saleeban Yuusuf Cali Koore, ayaa magaalada Wajaale ku soo dhaweeyey wefti ka socda Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya oo gogol-xaadh u ah wufuud ka imanaya dalkaasi oo ka soo qaybgelaya furitaanka wajigii koowaad ee balaadhinta Dekedda Berbera.

Weftiga ayaa xubno kamida Golaha Wasiirrada ee gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, waxaana soo dhaweyntooda ku wehelinayey wasiirka Warfaafinta Somaliland, Maamulka gobolka gabiley, Madaxda heer degmo iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka ayaa weftigan u soo gudbiyey dhinaca Caasimada Hargeysa, halkaasoo ay uga sii gudbi doonaan Magaalada Berbera oo ay berito ka dhacayso munaasibada furitaanka Dekeddu.

Dawladda Itoobiya, ayaa kamida Shuraakada mashruuca Maal-gelinta Dekedda Berbera, waxaanay ku leedahay 19%.

 

Leave a Reply