Xoghaye Ramaax: Aniga iyo Faysal waa la arki kaayaga xisbiga laga eryo”

0
392

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid, ayaa xilkii ka qaaday Xoghayihii Arrimaha gudaha xisbigaasi Maxamud Cali Saleeban Ramax.

Xoghayaha xilka iyo xubinnimada Xisbiga laga eryey, ayaa shalay warbaahinta ka dhaleeceeyey qorshaha isbahaysiga Mucaaridku ku doonayaan Shirguddoonka Golaha Wakiillada, isagoo tilmaamay in aanu Xisbigu isku raacsanayn arrintaasi.

Hase yeeshee, Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta soo saaray qaraar xil ka qaadis ah oo ku socda masuulkaasi.

Dhankiisa waxa jawaab ka bixiyey arrintaasi Siyaasi Ramax oo ku tilmaamay mid cayaayir ah oo aan waxba ugu jilnayn Guddoomiye Faysal.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Leave a Reply