Madaxweynaha Oo Qaabiley Hordhaca Wufuuda Ka Qaybgalaysa Furitaanka Ballaadhinta Dekeda Berbera.

0
407

Berbera-(Dawan)-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo qaabiley wufuuda ku soo wajahan magaalo Marseedka Berbera oo maanta la shaacin doono furitaanka wejigii koowaad ee ballaadhinta Dekeda Berbera ee ay gacanta ku hayso shirkada Dp World.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa la kulmay wefti ballaadhan oo uu hoggaamainayo wasiirka maaliyadda dalka Itoobiya Mudane Axmed Shide oo ay wehelinayaan wasiirka gaadiidka Marwo Dagmawit Moges Bekele Iyo madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo masuuliyiin kale.
Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu qaabiley ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Guinea Bissau Mudane Baciro Dja iyo wafti uu hoggaaminaayo oo ka soo qaybgalay munaasibada furitaanka Dekeda Berbera.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo maalintii labaad ku sugan Gobolka saaxil gaar ahaan magaalo madaxdiisa Berbera ayaa gelinka dambe ee maanta si ramsiya xadhiga uga jari doonta wajiga koowaad ee ballaadhinta dekada Berbera

Leave a Reply