“Somaliland waa la Aqoonsanayaa” Hobolka Iidle Yare

0
346

Nairobi-(Dawan)- Hobolka Iidle yare ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ay arki waydo dawladda Ciidamada shisheeyey ilaaliyaan ee Soomaaliya.

Iidle yare ayaa sheegay in Somaliland soddon sanno ay ku talaabsatay horumar baaxad weyne oo ay saldhig u tahay nabadu, waxaanu xusay in muddadaas Soomaaliya ay ku jirtay amni darro iyo dawlad xumo.

Hobolkan fadhigiisu yahay Kenya ayaa dhaar ku maray in Somaliland maalin ay dunida ka helayso aqoonsiga ay xaqa u leedahay balse waxa uu dawladda iyo shacabka Xamar ugu baaqay inta aanay taasi dhicin in ay ku dhiiradaan in Somaliland faraha kala baxaan oo ay ku dhawaaqan in ay ahayeen labad dal oo heshiiyey haddana kala baxay.

“Somaliland waa dhul nabad ah oo horumar sameeyay hadda waxa uu muuqda aqoonsiga Somaliland ” ayuu yidhi

Leave a Reply