Ururka SAHA oo Daawooyin iyo Qalab Caafimaad Gaadhsiiyay Cusbitaalka Gabiley

0
335

Qore: Khadar Cabdi Muuse

Gabiley (Dawan): Xubno ka tirsan ururka dhakhaatiirta Somaliland ee dalka Maraykanka ku nool ee Somaliland American Health Association, ayaa maanta daawooyin iyo qalab caafimaad gaadhsiiyay cusbitaalka magaaladda Gabiley.

Dhakhaatiirtaasi oo ka yimid dalka Maraykanka waxaa hogaaminayay Dr. C/raxmaan Maxamed Madar, oo ah guddoomiyaha ururka Somaliland American Health Association (SAHA).

Waxaana wehelinayay Dr. Xuseen Cali Hanfi, iyo Drs. Faadumo Xaashi Liibaan, oo labadooduba ka tirsan ururka SOHA, iyo aqoon yahan Mustafe Aadan Muuse, oo ah aqoon yahan wax ka dhiga jaamacadaha dalka.

Masuuliyiintaasi dhakhaatiirta ah ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay maayarka Gabiley Maxamed-aamiin Cumar Cabdi.

Sidoo kale xubnahan dhakhaatiirta ah ayaa booqday cusbitaalka guud ee magaaladda Gabiley oo ay u sideen daawooyin iyo qalab caafimaad oo kala duwan.

U ieedadda socdaalka xubnahan ka tirsan ururka samofalka ee SAHA ay dalka u yimaadeen ayaa ahayd daawooyin iyo qalab caafimaad oo ay u keeneen cusbitaaladda Hargaysa, Gabiley, iyo Arabsiyo.

Masuuliyiintaasi ayaa sidoo kale waxay cubsitaalka Gabiley kulan kula qaateen agaasimaha cusbitaalkaasi, oo ay wehelinayeen isku-duwaha wasaaradda caafimaadka Gabiley, iyo agaasimaha cusbitaalka Wajaale.

Mustafe Aadan Muuse, oo weftigan dhakhaatiirta ah hor kacayay ayaa ka warbixiyay safarka ay dhakhaatiirtani ku yimaadeen Gabiley.
Waxaanu yidhi, “Dhakhaatiirtani oo ka yimid dalka Maraykanka, oo ay hogaaminayaan Dr. Madar, iyo Dr. Xuseen Hanfi, waa kaba muwaadin oo dhkhaatiir waaweyn ah, oo jaamacadaha Maraykanka wax ka dhiga”.

Dr. C/raxmaan Maxamed Madar, oo ah guddoomiyaha ururka SAHA ahna barre sare oo wax ka dhiga jaamacadda Minisota ee dalka Maraykanka.
“Woxoogaa daawooyin iyo qalab isugu jira ayaanu cusbitaalka Gabiley u keenay. Ma aha markii u horaysay oo aanu daawo ama qalab u keenno cusbitaalka Gabiley.

Waxay noqonaysaa markii afraad. Mar kastoo aan dalka imanayo, waxaan ku soo tallo galaa, in aan cusbitaalka Gabiley wax u keenno”.

Dr. Madar, ayaa faahfaahin ka bixiyay noocyadda ay ka kooban tahay daawada iyo qalabka kale ee caafimaad ee ay gaadhsiiyeen cusbitaalka Gabiley.
“Alaabtani waxay isugu jirtaa noocyo kala duwan. Waxaana ka mid ah mishiinka monitoring-ka oo loo isticmaallo qofka xaaladiisu khatarta tahay ama qaliinka ayaa loo isticmaali karaa.

Daawooyinka aan keenay waxay isugu jiraan daawadda Dhiig-karka, oo dhawr nooc ah.

Daawadda Maxaanka, oo iyadna dhawr nooc isugu jirta, iyo daawooyin kaloo fara badan” ayuu yidhi Dr. Madar.

Dhakhaatiirtan ka tirsan ururka SAHA waxay muddo laba maalmood ah tababar u qaban doonaan cubsitaaladda lixda magaallo ee waaweyn iyo jaamacadaha dawliga ah ee dalka.
Sida uu sheegay Dr. Xuseen Hanfi, oo ah dhakhtar ku takhasusay xanuunka Suuxdinta.
“Jaamacadaha dawliga ah ayaanu ka bilaabaynaa, ito cusbitaaladda dalka, oo ay ka mid yihiin cusbitaalka Gabiley, ka Hargaysa, Ceerigaabo, Burco, iyo cusbitaaladda lixda gobol ee waaweyn iyo jaamacadaha.

Wuxuu noqon doonaa mashruuc socon doona ilaa shan sanadood” ayuu yidhi Dr. Xuseen Hanfi.

Sidoo kale Drs. Faadumo Xaashi Liibaan, oo ah dhakhtarad ku takhasustay cudurrada Haweenka oo iyadna halkaas ka hadashay ayaa tilmaantay muhiimadda ay leedahay in la isku kaashado waxyaabaha bulshadu u baahan tahay.

Taasoo ay sheegtay in lagaga maarmi karro baahiyo badan oo meello kale laga raadin lahaa.
Waxaanay tidhi, “Qof walba oo inaga mid ahiba, haddii uu intan in le’eg soo ururiyo, way inagu tilaan lahayd. Umaynaan baahaneen wax badan”.

Geesta kale, agaasimaha cusbitaalka guud ee Gabiley Drs. Naciima Yuusuf Jaamac, ayaa uga mahad celisay dhakhaatiirta ururka SAHA kaalmadan daawooyinka iyo qalabka caafimaad ah ee ay cusbitaalka soo gaadhsiiyeen.
“Waxaa maanta farxad weyn noo ah in aanu helno, qalabkan caafimaad iyo daawooyinkan ay dhakhaatiirtayadii noo keeneen.

Waana wax lagu farxo” ayay tidhi Drs. Naciima.
Maayarka Gabiley Maxamed-aamijn Cumar Cabdi, ayaa isna dhakhaatiirtan ka socday ururka SAHA uga mahad celiyay.

Leave a Reply