Sidee Xalay Hargeysa looga Xusay 26-ka Juun

0
378

Hargaysa (Dawan):- Waxa  xarunta madaxtooyada  Jamhuuriyadda Somaliland lagu qabtay  xalay xaflad xus iyo xusuus looga dhigay 61 Guuradii ka soo wareegtay 26kii June 1960kii oo ahayd  habeenkii Somaliland xornimadeeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska, isla markaana  shacbiga  Somaliland iska tuureen   heeryadii  gumaystaha.

Siday werisay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, Waxa xafladaas  ka soo qaybgalay madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne kuxigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyeyaasha Golayaasha Guurtidda iyo Wakiillada,  Guddoomiyaha Maxkamadda Sare,  Masuuliyiin sare oo ka socday saddexda xisbi qaran, danjireyaasha dalalka Shisheeye  ee fadhigoodu yahay Hargeysa, iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey munaasibadaasi ayaa si qoto-dheer uga warramay marxaladihii ay Somaliland u soo martay xornimo doonkii ay ku guulaysatay 26kii June 1960kii, waxaanu tilmaamay inay noqotay halkii laga dhidbay calankii  ugu horreeyey   ee Soomaalidu yeelato.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu ku hambalyeeyey shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba Munaasibada 61 Guurada markii ay JSL Gobonimadeeda ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu  sheegay in dalkiisu uu ku naaloonayo  nabad, horumar iyo qaranimo taabogal ah  30 kii sannadood oo uu madax-bannaanidiisa kala soo noqday dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, waxaanu sharraxay hadimooyinka  Dawladda  Muqdisho u soohaysay Somaliland muddo rubuc qarni ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si xeel dheer u Sharaxay kala duwanaanshaha Somaliland iyo Somalia isagoo Sheegay in Somaliland ku dhisan tahay Sharciga Caalamiga ah.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sheegay in Somaliland Mudadii ay Madaxbannaanideeda la soo noqotay ay qabatay 7 Doorasho oo Xor iyo Xalaal ah isla markaana ay Sadex madaxweyne hab dimuquraadi ah isku bedeleen halka Sidoo kalena ay Laba golle Wakiilo iyo deegaan doorasho qof iyo codkii ah ay isku bedeleen.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu Hambalyo u diray Xildhibaanadii ku soo baxay doorashadii isku sidkanayd ee 31-kii May ka dhacday Somaliland iyo Kuwii aan guulaysan, Waxaa kale oo Madaxweynuhu nasiib daro ku tilmaamay in qayb dhan ka mid ah Shacabka Somaliland oo ah Haweenku aanay ku soo bixin doorashadaas isagoo dhanka kalena hambalyo u diray Gabadh ku soo baxday Doorashadii deegaanka oo loo doortay Maayar Degmo.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu Sheegay in maalgelinta dekeda berbera ay guul taariikhi ah u horseeday qarankan.

Sidoo kale waxa munaasibadaas ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo sheegay in Somaliland  kortay  islamarkaana  wax badan kaligeed qabsatay.

Guddoomiyaha Guurtidu  wuxuu dawlada Somalia u soo jeediyey inay ka Samraan Somaliland isla markaana aanay dib u dhacayn Khaladkii ay Somaliland gashay 1960-kii.

Gudoomiye Saleebaan Waxa uu qaranka Somaliland uga mahadnaqay doorashadii quruxda badnayd ee dalka ka dhacday 31-kii May 2021 .

Guddoomiyaha aqalka wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa ka sheekeeyay is raacii 1960-kii dhex maray Somaliland iyo Somalia iyo Sida ay Siyaasiyiintii Somalia ee wakhtigaasi isugu koobeen taladii dalkii Midoobay.

Waxa uu Gudoomiyuhu u soo jeediyey Shacabka Somaliland inay mar walba xoojiyaan wada jirka iyo Midnimadooda si aynu u gaadhno himilooyinka qarankani leeyahay.

Waxaa kale oo Xafladaasi ka dhacday Qasriga Madaxtooyada ka hadlay Xildhibaan Maxamed Macallin Maxamuud oo ka tirsan aqalka sare ee Baarlamanka Kenya isla markaana ku hadlayay afka weftiga Kenya Waxaanu shacabka Somaliland ku hambalyeeyay xuska 61 Guurada markii ay Jamhuuriyadda Somaliland xornimadeedi ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska.
Waxa kaloo lagu soo bandhigay munaasibadaas suugaan la xidhiidhey xuskaas.

Ugu dambayn,  waxa madaxweynaha Somaliland  uu salaam Sharaf siiyey  calanka Somaliland iyadoo ciidanka baamboyduna ay u tumeen heesta calanka Somaliland.

Leave a Reply