Casriyeynta Dekedda Bebera waxay daboolka ka Qaaday Bisaylka Somaliland ee Maalgashiga Caalamiga ah

0
393

Qore: Cumar Maxamed Faarax

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa toddobaadkii hore xadhiga ka jaray ballaadhin iyo casriyeyn lagu sameeyey marsadda Berbera, taasi oo ahayd wejigii hore ee dib u habeyn mugle oo lagu sameynayo dekedda Berbera oo loo diyaarinayo inay noqoto marin ganacsiyadeedka  ugu muhiimsan ee dalalka Geeska  Afrika.

 

Waxa dekedda Berbera lagu soo kordhiyey 400 oo mitir oo ay ku baxday lacag dhan 101 Milyan oo Doolar, waxana ay lagu sameeyey  isbeddel weyn oo halkii ay sannadkii ka soo deji jireen 150  kun oo Koontiinar, waxay hadda  rogi kartaa sannadkii 500,000 oo Kontiinar, taasi oo ah guusha ugu weyn ee ay labadii sannadood ee u dambeeyey ku tallaabsatay marsada Berbera.

 

Waxa kaloo wejiga labaad ee horumarinta dekeddu noqonayaa in lagu kordhiyo 1000 mitir oo kale, si ay u hawaysato inay ka soo deji karaan sannadkii 2 Milyan oo Kontiinar.

 

Horusocodka dekeddu; waxay ka dhalatay juhdi iyo dedaal aan kala go’ lahayn oo Xukuumadihii Xisbul-xaakimka KULMIYE ay geliyeen inay dekedda Berbera ka dhigaan marsada  ugu weyn ee ku taalla Geeska Afrika, oo u adeegta dalalka aan badda lahayn ee Gobolka oo ay ugu horreyso Itoobiya oo shacbigoodu yahay 110 Milyan oo qof.

 

Xukuumadda Itoobiya oo mashruuca horumarinta dekedda Berbera ku leh saami dhan Boqolkiiba Sagaal iyo Toban, ayaa wefti culus u soo dirtay inay goob joog ka ahaadaan xafladii furitaanka wejiga koowaad ee ballaadhinta dekedda Berbera, waxa hoggaaminayey Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Axmed Shide, Wasiirka Gaadiidka iyo Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar, kuwaasi oo madasha ka jeediyey sida dalkoodu ugu faraxsan yahay sida mashruuca horumarinta dekedda Berbera u najaxay, waxaanay sheegeen in Mashruucani aanu ahayn mid Somaliland oo kaliyi ay ku tanaadayso, haseyeeshee uu kaalin wax ku ool ah ka qaadanayo horumarka ganacsi iyo dhaqaale ee Itoobiya.

 

Mashruucani waxa uu noqonayaa himilo weyn oo Qaranka Somaliland ku taamayey muddo dheer oo dhaboobay,waxase xukuumadda iyo maamulka dekedda Berbera fuulaya  masuuliyad ballaadhan oo ay ka mid tahay in reer Somaliland noqdaan dad ilbax ah oo ay ka go’an tahay  inay la ganacsadaan dadyowga kala duwan ee  ku dhaqan gobolka bariga Afrika, isla markaana ay martigelin iyo adeeg hufan ay ku hawlgalaan maamuleyaasha iyo shaqaalaha dekedda Berbera.

 

Mashruuca horumarinta dekeddu wuxuu adhax jab ku yahay dawladda Muqdisho oo ulo booc ah ugu tukubaysay  inay dhicisayso mashruucan tisqaaday oo xiqdigeedii ku hungowday markii ay dhegaha ka furaysteen Madaxda Shirkadda DP World iyo dalka isku-tagga Imaaraadka Carabta oo ay muddo dheer dacwado iyo cabashooyin la daba socdeen.

 

Waxa mashruuca horumarinta dekedda Berbera uu noqday, kii ugu weynaa ee ka hirgala Jamhuuriyadda Somaliland soddonkii sannadood ee la soo dhaafay, waxaana masuuliyada ay Somaliland muujisay horseedaysaa inay soo jiidato maalgashadeyaasha caalamiga ah, waxana la inoo arkay  dal la aamini karo oo shuruucdiisu soo dhaweynayso maalgashadeyaasha shisheeyaha ah iyo kuwa waddaniga ahba.

 

Ugu dambayn, waxaa horumarinta dekedda Berbera ay ahayd himilada labaad ee qaddiyadda aqoonsi radinta soo raacaysay oo u meelmartay sidii la rabay, isla markaana ka tallaabsatay turaan-turooyin badan oo horyaalay kuwaasi oo ay iskugu jiray kuwo maxali ah iyo qaar dibadeedba.

Leave a Reply