Wasiir Cabdirashiid Qambi oo kula taliyey Golaha Wakiillada inay Guddoomiye u doortaan Xildhibaan Faratoon

0
1255

“Cabdirisaaq Khaliif waxaan leeyahay haddii aad raggii kugu yidhi adeerkaa u tanaasul ku tilmaantay dad nololsha ka dhacay, annagaa ku leh ee ka hadh adeerkaa Faratoon” Wasiir Qambi
Qore. Saleeban Kalshaale
Hargeysa(Dawan)-Wasiirka hawlaha guud, guriyeynta iyo Dhulka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Boorama, ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada cid kaga habooni jirin Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo kamida mudaneyaasha golaha Wakiillada cusub ee loollanka ugu jira qabashada xilkaasi.
Wasiir Qambi ayaa sababaha uu Faratoon xilkaasi ugu mudan yahay ku tilmaamay qodobo dhawr ah oo ay kamid yihiin inuu yahay siyaasi waayo-arrag ah, waddaniyadu ku dheertahay, isla markaana qaranka tacab badan geliyey, hogaamintiisa Golaha Wakiilladuna horseedi karto guulo badan oo qaranku higsanayo.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in uu aaminsan yahay in aanay mudaneyaasha cusubi cid kale u dooranayn Guddoomiyahooda. “Waxa aan aaminsan boqolkiiba sagaashan (90%) in Golaha Wakiilladu u dooranayaan Guddoomiye Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, waayo waa Nin dadka dhex u ah, waa in Mucaaridka iyo Muxaafidku isugu mid u yahay. waa Nin waayo-arrag ah, dadku dhex u yahay, waayeel ah oo sida Baarlamaanada adduunka u hogaaminaya Golaha oo xaqiiqo ah”ayuu yidhi.
Wasiirku isagoo hadalka sii wata waxa uu sheegay in aanu waayo-arragnimo siyaasaddeed lahayn Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo kamida xubnaha tartanka ugu jira xilka Guddoomiyaha golaha cusub, waxaanu xildhibaan Khaliif kula taliyey inuu waalidnimo iyo waayo-arragnimoba uga tanaasulo xilkaasi Xildhibaan Faratoon.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Xisbiga Kulmiye ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada u xulay oo ku dhisaya Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo ah Siyaasi waayo-arrag ah.

Leave a Reply