Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Oo Hargeysa Ka Furay Shirweynaha Qaran Ee Zakada

0
308

Hargeysa-(Dawan) Kulankaasi oo socan doona laba maal-mood waxa soo qaban qaabisay wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland waxa kasoo qayb galay xubno kamid ah Golaha wasiirada, Culimo awdiin, Ganacsato iyo haween.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalle ayaa ugu horayn halkaasi ka hadkay waxaanu soo dhaweeyay kasoo qayb galeyaasha shirweynaha qaran ee Zakada.

Xubno kamid ah Culimada dalka oo sameeyay Daraasad ku saabsan Zakada ayaa ka waramay ahmiyadda ay bulshada u leedahay Zakadu iyo Tusaaleyaal lagu guulaystay oo bixinta Zakada ah.

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa soo dhaweeyay kulankaas, waxaanuu xusay in wasaaradda maaliyaddu talaabo hore loo qaaday ay u aragto in wasaaradda diinta iyo aw qaafta Somaliland ay kulankan ku saabsan sakada daaf-furto, waxaanuu intaas ku daray sakadu ay qayb ka noqon doonto kor u qaadida dhaqaalaha iyo nolosha bulshada.

Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed ayaa sidoo kale ka hadlay shirweynaha qaran ee Zakada waxaanu sheegay inay Zakadu kamid tahay tiirarka waaweyn ee ay ku dhisan tahay Diinta Islaamku, dawladuna ay u xilsaaran tahay inay bulshada ku wacyigeliso isla markaana fuliso waajibkaasi Diiniga ah.

Sheekh Khaliil ayaa intaasi ku daray in dastuurka JSL oo waafaqsan shareecada islaamka islamarkaa waxii kahor yimaadaana aanay shaqayneyn ilaa inta la waafajinayo,  wasiirka ayaa  xusay in barnaamijka Zakada looga gol leeyahay in la gudo waajibka diiniga ah iyo in kor loo qaado dhaqaalaha dadka saboolka ah oo lagu caawiyo Zakada.

Madaxweyne ku xigeenka JSL Eng Cabdraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ugu dambayn furay shirweynaha qaran ee Zakada isagoo bogaadiyay wasaaradda Diinta iyo awqaafta waxanu tilmaamay inay Zakadu ahmiyad weyn u leedahay bulshada.

Leave a Reply