India: Dumar Muslimiin ah oo Xaraashay

0
1009
Muslim women attend a mass prayer for Eid al-Adha in Lahore October 6, 2014. Muslims across the world celebrate the annual festival of Eid al-Adha, which marks the end of the annual Haj pilgrimage, by slaughtering goats, sheep, cows and camels in commemoration of the Prophet Abraham's readiness to sacrifice his son to show obedience to Allah. Eid al-Adha in Pakistan falls on October 6. REUTERS/Mohsin Raza (PAKISTAN - Tags: RELIGION SOCIETY) - GM1EAA6195S01

Booliiska dalka India ayaa bilaabay in ay baadhaan sida toboneeyo dumar Muslimiin ah si been abuur ah loogu “xaraashay” dhanka internet-ka iyaga oo aan ka warqabin, waana kiis ay dhibaneyaashu ku sheegeen in ay muujineyso islaam nacaybka sii kordhaya ee dalkaasi, waakaladda wararka AFP ayaa soo warisay.

Sawirro in ka badan 80 dumar ah ayaa lagu warramayaa in toddobaadyadii la soo dhaafay la geliyay barta GitHub iyadoo ciwaan looga dhigay “Sulli deal of the day”. “Sulli” waa eray loo isticmaalo si loo sharaf dilo haweenka Muslimiinta ah.

Hana Mohsin Khan, oo ah duuliye diyaaradeed, ayaa toddobaadkii hore waxaa wargeliyay saaxiibteed oo u dirtay barta lagu daabacay sawirrada dumarkan.

“Sawirka afaraad waxa uu ahaa keyga. Waxa ay ii xaraashayeen sidii inaan addoon u ahay,” ayay u sheegtay AFP. “Illaa maalintii aan arkay aad baan u cadheysnahay.”

GitHub ayaa sheegtay in ay hadda xannibtay akkoonnada sawirrada daabacay oo ay sheegtay in ay ku xadgudbeen siyaasaddeeda ku aadan dhibaateynta, takoorka iyo kicinta rabshadaha.

Booliiska magaalada Delhi ayaa xareeyay dacwado, laakin waxa aan la ogeyn shakhsiyaadka ku kacay falkan oo qariyay aqqoonsigooda.

Sania Ahmad, oo 34 jir ah, ayaa iyana toddobaadkii hore aragtay “in lagu iibinayo” online-ka, waxayna farta ku fiiqeysaa waxa ay ugu yeedhay guutada internetka ee xagjiriin Hinduu ah oo sannadihii danbe sii badanayay.

In badan oo ka mid ah 170-ka milyan ee muslimiinta India ayaa sheegaya in tan iyo 2014-kii oo uu xisbiga BJP ee ra’iisulwasaare Narendra Modi qabtay xukunka ay dareemayaan in ay yihiin muwaadiniin heerka labaad ah.

AFP

Leave a Reply