Hargeysa: Dhallinyaro Baratay Weji Qurxinta iyo Shaqa-carbinta oo la Maamuusay

0
478

Hargaysa-(Dawan) Waxaa maanta hall-ka Sonyo ka qabsoontay xafladdii qalin-jabinta ardaydii dhammaysay labadii tababbar ee kala ahaa: shaqa-carbinta (employability skills) iyo qurxinta wejiga (face beautification). Tababaradan xirfadaha oo soo socday muddo bil ah baa maanta waxaa ka qalin-jabiyay arday dhan 154 arday oo isugu jira hablo iyo wiilal. Tababbarka qurxinta wejiga oo u gaar ahaa hablaha waxa ka qalinjabiyay 52 arday oo hablo ah, halka shaqa-carbintana ay ka qalin-jabiyeen 102 arday oo wiilal iyo hablaba ah.

Mashruucan oo ay maalgalisay hay’adda UNFPA oo dhaqaalaha soo marinaysay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha, waxa fulisay hay’adda waddaniga ah ee SOHASCO.
Xafladda oo si habsami leh uga qabsoontay hall-ka Sonyo, waxa ugu horrayn hadalka furtay madaxa xarunta SOHASCO Org Muna Xuseen iyo madaxa barnaamijyada ururka Mudane Guuleed M. Yaasiin oo ka xogwarramay hawshu sidii ay u qabsoontay iyo qorshayaasha xarunta ee la fulin doono.

Intaa ka dib, waxa hadalka iska daba-maray oo ardayda hambalyeeyay, talooyin wax-ku-ool ahna siiyay, sidoo kalena SOHASCO ku ammaanay shaqada weyn ee ay qabateen. Agaasimaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha mudane Maxamed Siciid Khaawi, madaxa qaybta dhallinyarada UNFPA — Somaliland Cabdicasiis Maxamed Faarax iyo agaasimaha Sonyo Cabdixamiid M. Cumar ayaa igauna halkaasi ka hadlay.

Ugu dambayn, waxa jaa’isado ay hawsha kusii bilaabi doonaan la siiyay 15-kii arday ee hablaha qaybta qurxinta wejiga ugu sarreeyay. Halka 15-kii arday ee shaqa-carbinta ugu sarreeyay iyagana ay madaxdu guddoonsiisay shahaadooyinkooda. Ka dib, waxa si buuxda loo qaybiyay shahaadooyinkii ardayda tababarka loo dhameeyey.

 

Leave a Reply