Golaha Guurtida JSL oo ku Baaqay in la Hawlgeliyo Wershad Soddon Sanno Xidhan

0
483

Hargeysa-(Dawan)- golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xukuumadda iyo ganacsatada usoo jeediyey in la kiciyo wershada Sibidhka ee Berbera taasi oo xidhan muddo soddon sanno ah.

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in Maalgelinta Warshada Sibidhka ee Berbera ay muhiim tahay in la howl-galiyo.

Mudanayaasha aqalka Odayaasha ayaa ganacsatada ugu baaqay in ay si degdeg ah u maalgashadaan wershada ama ay xukuumaddu ku wareejiso shirkaddo shisheeyey oo maalgelin ku sameeya si loo hawlgeliyo.

dhinaca kale mudanayaasha golaha guurtida ayaa shirkadda ka codsaday in loo yeedho wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed oo qaranka ugu masuul isha dhaqaale ee dalka ugu weyn .

Leave a Reply