Soomaaliya Xuub Caaro kuma Qarin Karto Dawladnimada Somaliland 

0
319

W/Q: Cumar Maxamed Faarax

Jamhuuriyadda Somaliland waxay qabsatay Doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ay shacbigu rabitaankooda ku soo doorteen doorasho qof iyo cod ah Golaha Wakiillada iyo 23ka degmo Doorasho ee dalka, 31kii May ee sannadkan. taasi oo adduunyadu majeeratay hannaankii nabadgelyo ee ay u dhacday, oo cashar ugu filan dalalka mandaqada iyo guud ahaanba dunida Saddexaad.

 

Doorashadani waxay ahayd mid xisbiyadii tartamay ay ku wada qanceen isla markaana Goobjoogeyaashii caalamiga ahaa ay ka marag fureen furfurnaanteedii, isla markaana muujisay inay Jamhuuriyadda Somaliland tahay horyaalka dimuqraadiyadda Geeska Afrika.

Doorashooyinkii ka qabsoomay Somaliland, waxa xataa qiray siyaasiyiinta Soomaaliya oo sheegay in ay JSL qaan-gaadhnimadeeda iyo bisaylkeeda dimuqraadiyada ay ku soo bandhigtay doorashooyinkii isku sidkanaa oo ay kaga dabaalatay waayo-aragnimo iyo maamul-waanaag.

Haddaba, iyadoo gedi-socodka dimuqraadiyadda Somaliland uu sidaas u xiddidaystay oo uu 19 jirsaday, oo ay qabsatay toddoba doorasho, oo ay isku beddeleen saddex madaxweyne oo si xor ah loo doortay, laba baarlamaan iyo saddex gole deegaan, waxa la yaable inay Soomaaliya isku daydo inay Dawladnimada iyo guulaha ay gaadhay Somaliland ku qariso xuub caaro.

Soddonkii sannadood ee ay Somaliland xornimadeeda kala soo noqotay Soomaaliya, marna kamay qaybgalin shirarkii dawladihii socod waayey loogu soo dhisay Soomaaliya. Muddadaas rubuc qarniga ka badan, marna cid shacbiga JSL meteshaa kamay xaadirin shirarkii dawladaha Shisheeye ay ku doonayeen inay ku xasiliyaan Soomaaliya.

Soomaaliya oo ay muddo dheer dawladnimadu god iyo booraan kaga dhacday ayaa illaa hadda aan fahmin inay xaqiiqda wajahaan oo ay dalkooda nabad ku soo dabaallaan, si ay gaadhaan nabadeyn iyo dib u heshiisiin loo dhan yahay, oo ay kaga baxaan silica dishooday bulshadooda. Waxase dhaqan u noqotay inay shirarkii loogu qabtay Nairobi iyo Jabuuti ay ku qoran jireen shakhsiyaad Somaliland u dhashay oo ay ku sheegi jireen inay ka mid yihiin Goleyaashooda kala duwan, kuwaasi oo marka ay muddo ka soo faroqabsadaan, aakhirka ku dambayn jiray inay cafis soo waydiistaan dalkooda.

Soomaaliya xalka nabadeynta iyo xasilinta ee ay dalkooda la doonayaan ma hirgalayo, inta ay xaqiiqada dhinac marsan yihiin oo ay si dhalanteed ah ugu doodayaan inay Jamhuuriyadda Somaliland ka mid tahay dawladnimadooda magac-u-yaalka iyo maqaar-saarka ah.

Xukuumadda Soomaaliya, waxa aan caad saarnayn inay laf toobin ku hayso, marka ay Muqdisho kaga yooyootamayaan, waxay ugu yeedheen doorashada kuraasta labada aqal ee Somaliland.

Waxaanu ficilkaasi sii hurinayaa gefka iyo gabood-falada ay shacbiga Somaliland ka tirsanayeen Soomaaliya. Waxaanay meesha ka saarayaan wadahadalladii aan cagaha adag ku taagnayn ee u socday Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya.

Kooxaha Muqdisho ku sugan ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland way ogyihiin in aanay cidna metelin, waxaanay qaarkood hore uga caddeeyeen fagaareyaal marag leh, hase ahaatee waxay goosteen inay dharaaro ka maxaabsadaan dedaallada maamul dhisida Soomaaliya oo noqotay mashruucii Faanoole fari kama qodna.

Somaliland wax saamayn ah kuma yeelanayaan kooxaha Muqdisho Baarlamaankeeda ka mid noqdaa, hase ahaatee waxa loo wada fadhiyi doonaa natiijada ay Soomaaliya  ka dheefto hawaawiga iyo riyo maalmeedka ay shacbigooda ku maaweelinayaan.

Waxaanan ku soo gabogabaynayaa tudduc ku jiray Maansadii Daba-taxan ee Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo aad moodo inuu sawir ka bixinayey xaaladda  Soomaaliya iyo kuwa u shaqo tagay, waxana ka mid ahaa:

 

 

“Degel ba’ay nin yiil shalay 

 

Oo digo-gub sahansaday 

 

Maantana diyaar u ah 

 

Lama-dego in loo raro 

 

Oo nolol ka deel wadhay 

 

Nin dabiib la leeyahay 

 

Dhiig ku duuli maayee” 

 

 

 

 

 

Leave a Reply