Hargeysa (Dawan) Xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaranka Somaliland, ayaa qoraal ay ku baahiyeen barta twitter-ka ku sheegay inay ka xun yihiin kufsi iyo dil loo geystay Hinda Cumar.
Gabadha la kufsaday kadibna la dilay ayaa markii ay masiibadan ku dhacaysay waxa ay saarnayd basaska dadweynaha.
Xafiiska xuquuqal iinsaanka ayaa walaac ka muujiyay falalka kufsiga ee sii kordhaya, waxanay sheegeen in Somaliland ay aad ugu yar tahay wacyigelinta la xidhiidhta kufsiga, sidoo kalena waxa ay xuseen in aanay jirin isla xisaabtan dhab ah.