Wasiirka Arrimaha gudaha oo Iftiimiyay in Beesha Caalamku Somaliland ku Ammaantay Doorashadii Dalka ka Dhacday 31-kii May

0
390

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in beesha caalamku inagu ammaantay doorashadii dalka ka qabsoontay 31-kii May, sidii nabadgelyad lahayd ee ay ku dhammaatay.

Sidoo kale waxaa uu xusay in aad iyo aad la inoogu tixgaliyay, isla markaana ay noqoto salaankii aynu Ictiraafka ku raadsaneynay.

Dhanka kale waxa uu tilmaamay in qaar ka mida dalalka geeska Afrika lagu yidhi doorashadiinu waa in ay noqota sida dalka yar ee Somaliland ee aanay ciddina aqoonsan.

Wasiir Maxamed Kaahin isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi. “Adduunyada oo dhami waxa ay innagu ammantay doorashadii dalka ka qabsoontay 31-kii May, sumcad weyn ayay ina siisay, aad iyo aad ayaa la innoogu tixgeliyay, waxaana laga yaaba salaam aynu Ictiraafka ku raadsanayno in ay ka mid tahay.

Qaar ka mida dalalka Afrika waxa lagu yidhi doorashadiinu waa inay noqotaa dalka yar ee aan la aqoonsaneyn sidii ay doorashadii u qabsadeen waa inaad aqoonsataan, waynu dadaalaynaa”

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, mudane Maxamed Kaahin Axmed

Leave a Reply