Dawladii Xooga Badnayd!

0
678

Suldaan Mohamed Al-faatax Ibn muraad Waxa uu ahaa suldaankii  furtay magaalada qisdan diiniya ee dalka Turkiga, isla markii uu furtay waxa laga bedelay magaca waxaana loo bixiyay magaca  “Islam buul” . Magaaladaasi waa caasimaddii hore ee dalka Turkiga wakhtigan waxa lagu magacaaba Istanbul.

Suldaan Maxamed AL-Faatax Waxa uu dhashay 835 hijriyada …waxaana uu ahaa suldaankii dhidibada u taagay dowlad islaam oo mid ah isla markaana awood badan, waxa caalamka ay ka talinaysay muddo ka badan 600 sano,

Dawladda xooga badan waxa loo yaqaana dhinaca taariikhda Boqortooyadii Cusmaaniyiinta. Suldaan Maxamed waxa uu ahaa suldaankii ugu adkaa uguna firfircoonaa isla markaana ugu dadaalka badnaa ee soo maray Xukuumadihii Cusmaaniyiinta. Suldaanka ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa hogaamiye maamul iyo mid ciidan oo marka cadowgiisa loo sheego ay jidka sii banayn jireen. Awood ahaan waayadaasi waxa lagu tixgelin jiray inuu yahay awoodda ciidan ee ugu xooga badan caalamka ka jiray waayadaasi..

 

Leave a Reply