Faa’iido Ma Leeyahay Cayayaanku!

0
939

Dad badan ayaa la kulma qaniinyada Qudhaanjada meel kasta oo dunida ah, laakiin dadkaasi waxay si dhakhso u dilaan Qudhaanjada yar ee qaniintay. Qofka ayaa dareema xasaasiyada jidhka sare ah.

Daraasad dhowaan lagu daabacay bogga “Huffington Post” ee dalka Maraykanka, ayaa muujisay in qaniinyada qudhaanjadu ay faa’iidooyin badan u leedahay jidhka, waxaana ka mid ah:

Qaniinyadu waxay firfircooni gelisa hab dhiska wareegga dhiigga, waxaana kordha xinjirta ku jirta dhiigga cas.

Qaniinyada Qudhaanjadu  waxay kobcisaa maskaxda waxayna awood siisaa unugyada dareenka ee maskaxda.  Waxa kale oo Qaniinyada qudhaanjadu ay u wanaagsan tahay maqaarka sare oo iska difaaci kara bakteeriyada, iyadoo siisa xididdada dhiigga awood ay iskaga caabbiyaan sunta, taasi oo iyana aad u caawisa beerka waxtar weyna u leh.

Waxa kale oo daraasadda lagu sheegay in marka ay jidhkaaga qaniinto Qudhaanjada dhediga ahi  uu dhareerka carabkeedu ku hadho jidhakaaga kaasi oo faa’iido badan u leh (amount of ionic saliva) waxaana uu gubaa oo baabiiyaa dhamaan baruurta iyo duxda jidhka. Haddii ay gacanta kaa qaniinto duxda ku jirta 99% way baabiisaa.

Leave a Reply