Booliska Togdheer oo godad iyo Gaadiid ku qabtay Maandooriyeyaal halis ah

0
839

Qore. Saleeban kalshaale
“Ganacsadaha aanu ku qabano iyagoo dhalinyaro ka iibinaya Xabag jeelkaa loo diri doonaa”Taliyaha Qaybta Booliska Togdheer

Burco(Dawan)-Ciidanka Booliska ee Gobolka Togdheer oo hawl-gallo ka fuliyey Magaalada Burco iyo deegaamo kale oo kamida gobolkaasi, ayaa soo bandhigay maandooriye kala duwan oo ay gacanta ku dhigeen iyo gaadiidkii lagu qabtay.
Sidoo kale, waxa ay Ciidanku gudaha Magaalada Burco ku qaadeen hawlgal ay dadweynaha kaga uruurinayaan noocyada hubka fudud ee Mindiyaha iyo agabka kale ee gacanta lagu qaato oo ay ku fuliyeen Ollole todobaadle ah oo ay sheegeen masuuliyiinta Ciidanku in lagu dabar-goynayo qaadashada hubkaasi.

Maandooriyaha Ciidanku soo bandhigay waxa ku jiray Khamri wakhtigiisu dhacsan yahay oo la doonayey in dadka laga Iibiyo, sida uu sheegay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Togdheer Gaasgaanle sare Maxamed Faarax Nuur hadal ka jeediyey munaasibad ay ku soo bandhigeen Maandooriyaha iyo hubka ay Ciidanku qabteen.
Taliyaha ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan saddex Gaadhi oo lagu qabtay Maandooriyahaasi iyo wadeyaashoodiiba, isagoo dhinaca kalena tilmaamay in xeraynta hubka fudud uu ku yimi dalab dadweynuhu u soo jeediyeen.
“waxaanu halkan ku soo bandhigaynaa Maandooriye Khamri ah oo ay qabteen Saldhiga dhexe iyo Saldhiga labaad howlgalo ay sameeyeen oo tiradiisu dhan tahay 587 Dhalo. waxaan ku soo qabanay laba Gaadhi Landcruiser ah oo xerada yaalla. waxa kale oo jira Khamri kale oo aanu ogaanay isagoo meel dhulka ah lagu aasay oo aanu soo qabanay. Maandooriyahan waxa ku jira Khamri wakhtigiisu dhacay 2015-kii, taasina waa halis kale oo cudurbay inoo soo rarayaan warshaduhu daadiyeen” “waxa kale oo jira gaadhi Tig ah oo aanu suuqa burco dhexdiisa ku qabanay iyadoo Khamri lagu sido iyaduna way xidhan tahay”ayuu raaciyey.
Taliyuhu waxa uu intaasi raaciyey inay yartahay xashiishada la soo geliyo Gobolku, hase yeeshee ay qabteen tiro nooc kamida oo sida sigaarka loo farsameeyey “waxa kale oo jira Xashiishad sida sigaarka loo cabayo oo xabad xabad sigaar ah laysugu dhiibayo, qaar badan ayaanu qabanay laakiinse wali khadkeedii weynaa waanu ku soconaa”ayuu yidhi.
Gaasgaanle sare Maxamed Faarax Nuur waxa uu digniin ka soo saaray Iibinta Xabagta Kabaha lagu sameeyo, isagoo ku war geliyey Ganacsatada Magaalada Burco in aanay Daasadaha Xabagta ka iibinin Qof Dhalinyaro ah oo aanay aqoonsan inuu meherad haysto “ganacsata waxa aanu u sheegaynaa in aan xabag laga iibin karin inan yar oo socda, haddii aanu ahayn qof Meherad haysta amma kuwa Taayirka banjariya.
Xabagtaana sharci baanu ka soo saari doonaa waayo suuqiibaa laysla dhex marayaa. markaa Ganacsatadaha aanu ku qabano iyagoo dhalinyaro ka iibinaya Xabag jeelkaa loo diri doonaa”
Taliyuhu waxa uu faahfaahin ka bixiyey hubka fudud ee ay soo bandhigeen oo isugu jira Budhadh, Tooray iyo Baangado “Baangadaha waxaanu ka uruurinay Tuugta. Toorayda iyo Ulahana waxaanu ka qaadnay dadka suuqa joogga. markii aanu ka uruurinaynay suuqa dadkaaba naga codsaday in aanu ka xerayno. waxaanan doonaynaa in aanu todobaadkiiba mar ololle ku qaadno”ayuu raaciyey hadalkiisa Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Togdheer.
Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Nafaqo iyo xubno kamida guddida Wanaag-farista iyo xumaan reebista Gobolkaasi oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa Ciidanka Booliska uga mahad celiyey dagaalka ay kula jiraan maandooriyaha iyo waxyaabaha kale ee nabad-gelyo-darrada abuuraya.
“Dadweynaha gobolka togdheer iyo Degmada Burco waxaan ka codsanaynaa inay Ciidanka iyo maamulka Dawladdaba kala shaqeeyaan la-dagaalanka mukhaadaraadka oo ay sidii lagu yaqaanay ku soo war geliyaan Ciidanka waxkasta oo ay ka shakiyaan”ayuu yidho Badhasaab ku-xigeenka Gobolka Togdheer.
Gobolka Togdheer, ayaa xuduud dheeer la wadaaga dalka Itoobiya oo inta badan Khamriga laga soo geliyo Somaliland.

Leave a Reply