Hanti Dhawrka oo Baadhis ka Bilaabay Degmada Baki iyo Odayaal la Xidhxidhay

0
1253

Baki-(Dawan): Hanti Dawrka guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa baadhitaan ka bilaabay dawladda hoose ee degmada Baki.

 

Badhitaanka oo in muddo ah ka socda dawladda hoose degmada ayaa lagu baadhayey musuqmaasuq iyo ku tagrifal awoodeed ayaa lagu sameeyey maayarka Maxamed Axmed Caateeye  ku xigeenka Dayib Xasan Raage, xoghayaha fulinta iyo masuuliyinta kale maamulka .

Maayerka iyo ku xigeenka degmada Baki oo ah labada masuul ee ugu sarreeya degmda ayaa ah labadii masuul ee hore xilalkaa u hayay isla markaana doorashooyinkii isku sidkanaa ee golaha wakiilada iyo deegaanka mar labaad ku soo baxay, waxaana lala xidhiidhinayaa ku tagri fal awoodeed iyo musuq maasuq hantiyeen oo xilkii ay hayeen ay uga faa,iidaysteen doorashadii goleyaasha deegaanka isla markaana ay kaambaynkii ku galeen kuna soo bexeen..

 

Dhinaca kale waxaa isa soo taraya cabashooyinka ka soo yeedhaya bulshada degmada Baki oo ka cabanaya maamul xumo ka jirta dedmada.waxaana  ugu dambeeyay waxgaradka iyo odayaasha degaanka Dooxada Qardhiile oo si wayn u dhaliilay maamulka degmada Baki  ay sheegeen in aanay wali arag cid ka socota maamulka degmada Baki oo soo gaadha deegaanka dooxada  Qardhiile taasoo ay iftiimiyeen in illaa xilligii deegaankaa ay duufaantii Sagar ka dhacday in aanay arag cid maamulka degmada Baki ka socota oo deegaankaa tagta isla markaana aanay jirin wax adeeg bulsho ah oo maamulka  degmda Baki ay ka qabteen deegaanka Dooxada Qardhiila.

waxgaradkaasi ayaa baaq u diray wasaaradda arrimaha gudaha , waxaanay ka codsadeen in ay soo faro geliso maamulka degmada  isla markaana deegaanka dooxadaas la soo gaadhsiiyo adeegyadaya aasaasiga ah ee ay dawladda hoose uga baahan yihii.

Maamulka degmada Baki.ayaa si ay uga hor tagaan waxgaradka deegaanka ee dhaliilsan hannaankooda shaqo qaaday tallaabo ay dadka ku cabudhinayaan isla markaana xidh xidhay qaar ka mid ah odayaasha degmada.

Dhinaca kale odayaal iyo waxgarad warbaahinta kula hadlay degmada Baki,ayaa soo dhaweeyay baadhitaanka Hantidhawrku ka wado dawladda hoose ee degmada Baki taasoo ay sheegeen in  ay tahay tallaabo wax ku ool ah oo xukuumaddu ku ilaalinayso hantida umadda.

Waxaanay waayeelka iyo aqoonyahanka Baki kula hadlay war baahintu ay caddeeyeen in ay taageersan yihin shaqada Hantidhawrku ka baabay degmada Baki.

Leave a Reply