Horumarka Iyo Aqoontu Waa Lammaane!

0
599

Dalka Asuteria waxa uu ku yaalla badhtamaha qaaradda Yurub waxaana uu ku mid yahay dalalka aan badda lahayn, caasimadiisu waa Viena, waxaana uu ka kooban yahay sagaal gobol.  Dhulka dalka bedkiisu waxa uu  ku  fadhiyaa 83,879 km2. Tirada dadkiisuna waa 9  milyan oo qof.  Dalka Austria waxa uu ka mid yahay dalalka dunida ugu dhaqaalaha sareeya, dhinaca waxabarashada bulshada  98% , waa dad aqoonyahano, waana arinta ka dhigtay dalalka ugu horeeya dhaqaalaha caalamkan.

Waxbarashada dalka waxa gacanta  ku haysa dawladda waana lacag la’aan ah, da’da 9 -15 sano, Khasab ayay waxbarashadu ku tahay waana in ay dugsiga dhigtaan.  Waxa kale oo jira waxbarashada dhalaanka (Kindergarten) oo ah da’da u dhaxaysa 3 iyo 6 sano, laakiin taasi waa ikhtiyaari mana aha mid Khasab. Fasalka dhalaanka ayaa la ogolayn inuu ka bato 30 arday, iyadoo fasalka kasta uu leeyahay hal macalin iyo kalaiye, kuwaas oo ku tababaran xanaanaynta iyo waxbarista dhalaanka.

Dalka Austeria waxa uu leayahay 34 jaamacadood  oo keliya, 23 ka mid ah dawlada gacanta ku haysa oo maamusha,  halka 11 kalena ay madax banaan yihiin. Jaamacahadaha dalka Austria 8 sideed jaamacadood oo ka mid ayaa derajada kaalamaha hore kaga jira jaamacadaha caalamka, iyadoo la aqoonsan yahay inay ka mid yihiin kuwa ugu tayo sareeya caalamka. Dhaqaalaha dalka oo aad sareeya waxa uu ku tiirsan yahay wax soosaarka wershadaha iyo dalxiiska.  Heerka shaqo la’aanta ayaa lagu qiyaasa inuu mid aad u hooseya iyadoo 5% keliya, bishii June ee sanadka 2021-ka.

Leave a Reply