Burburka Nidaamka Nolosha Ka Hor Imanaya!

0
841

Carl Marks waxa lagu tiriya dadka ugu cadcad arimaha bulshada , waana nin asalkiisu Yuhuudi yahay. Marks waa ninka asaasay nidaamka Hantiwadaagga kaasi oo maanta afkaartiisu dunida ka dabar go’aday. Waxaana uu aamisanaa  in nidaamka hantiwadaagu uu yahay dawada saxda ah ee lagaga bogsan karo nidaamka keli noolaanshaha ee hantigoosadka ah.

Fikradahaasi Carl Marks, oo muddo dunida lagu mashquuliyay isla markaana madadaalo looga dhigay ka dib markii ay ka daaleen nidaamka Hanti-goosadka ayaa sanadkii 1991 , dawladii ugu weynd ee Midowgii sofiyeet ay burburtay ka dib markii nidaamka Hantiwadaaga ay dadkeeda iyo dalal kale oo dunida kaga dhaqmayay ay iska diideen oo ay ka horyimaadeen.  Kitaabka uu qoray Sayid Qudub 1965 ayuu ku cadeeyay in nidaamka Hantiwadaagu burburi doono maadaam uu ka hor imanayo nolosha bulshada, iyo dadalka qof ahaaned iyo lahanasha hanti ugaar ah.  Wargeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo lagu maacaabo Indiana Express ayaa daabacay sanadkii 1990 bishii June 2, inuu Hantiwadaagii Marks dejiyay uu khalad weyn ka galay bulshada caalamka isla markaana aanu sii jiri Karayn muddo dheer madaama uu yahay mid ka hor imanaya qaab nololeedka bulshooyinka caalamka oo dhan.

Leave a Reply