“Haweenka aadbaan ugu amaannayaa sida quruxda iyo sharafta leh ee ay daymaha u soo celiyaan oo ay wax aynu ku faani karno” C/rixiin Axmed Ibraahim
Qore. Saleeban Kalshaale
Hargeysa(Dawan)-Somaliland Bangiyada gaarka loo leeyahay, ayaa ku soo badanayey sanadihii u dambeeyey, waxaana laga furay tiro bangiyo ah tobankii sanadood ee u dambeeyey, kuwaasoo ka qayb-qaatay kobcinta Ganacsiga iyo Dhaqaalaha dalka, gaar ahaan maal-gelinta ganacsiyada yar yar wax weyn ka taray.
Bangiga Amal oo ka shaqeeya inta badan dhulka Soomaalidu degto, Somaliland-na laga furay horaantii sanadkii la soo dhaafay ee 2020, ayaa hirgeliyey barmaamujyo maal-gelineed oo ay ka faa’idaysteen kumanaan qof oo uu siiyey daymo lacageed, dadkaasoo isugu jira dhalinyaro iyo Haween.
Mashaariicda waaweyn ee uu Bangiga Amal maal-gelinta ku siiyey Ganacsatada yar yar waxa kamida Barmaamuj Sanadle ah oo uu ugu magac bixiyey HODMIYE, kaasoo mudadii uu socday ay ka faa’idaysteen in ka badan kun qof guud ahaan dalka, iyadoo dadka la maalgeliyey daymaha loo siiyey nidaam aan wax faa’ido ah Bangigu saarin maal-gelinta uu siiyey, mashruucaasoo uu Bangigu u gaar yeelay taageerada Ganacsiga Haweenka.
Sidaasina waxa sheegay Madaxa Suuq-geynta Bangiga Amal qaybtiisa Cabdirixiin Axmed Ibraahim oo todobaadkan waraysi siiyey Barmaamujka mowjadaha Baraaruga ee BBC-da, waxaanu intaasi ku daray in Bangigu maal-gelinta ku bixiyo shuruudo debecsan oo la jaan-qaadaya xaalada dhaqan-dhaqaale ee bulshada Somaliland, kuna jaan-go’an awoodda dayn-qaateyaasha, taasoo uu kaga jawaabayey su’aal laga waydiiyey inay Bangiyada gaarka loo leeyahay maalgelinta ay ku xidhaan Shuruudo adag oo aanay dadku wada awoodin.
“Bangiga Amal haddaanu nahay Shuruudaha aanu ku xidhno maal-gelinaha aanu bixinayno runtii waa shuruudo aanu aaminsanahay inay fudud yihiin. shuruudo ku salaysan xaalada dadku ku jiraan, waa shuruudo aanu u eegno xaalada dhaqan-dhaqaale, waana shuruudo ku salaysano karaanka Dadku maxay ka bixi karaan? maxaa iyaga aan culays ku ahayn, maxaa idinkana wax idiinku soo noqon karaan? markaa shuruuduhu waa kuwo munaasib ku ah, markaynu eegno xaalada lagu jiro iyo xaalada dhaqaale ee dadka loo adeegayo ay dad badani ku soo dhiiradaan markay Bangiga yimaadaan.
Markaa isagoo Bangigu ka howlgala guud ahaan dhulka Soomaalidu degto, haddana Somaliland wuxuu ka shaqaynayey sanadkii u dambeeyey oo wali sanad nooma buuxsamin, haddana waxaan ognahay magaca Bangigu bulshada ka dhex sameeyey, waxa kalena maahee waxa aanu ka shaqaynay inay dadku heli karaan si ay wax u qaadan karayaan oo aanu ugu shaqaynay karaankooda”
Cabdirixiin Axmed, waxa uu sheegay inay dhaqdhaqaaqa ilo-dhaqaale ee Somalilad wax weyn ku soo kordhiyeen Bangiyada gaarka loo leeyahay, isagoo xusay inuu Bangiga Amal si buuxda uga howlgalo guud ahaan Bariga Afrika.
“Bangiyadu dalka waxay ka shaqaynayeen tobankii sannadood ee u dambeeyey oo Bangigii u horeeyey waxa dalka laga furay 2012-kii, kii ku xigay waxa la furay 2014, annagaa u dambeynay oo 2020 ayaanu furnay, muddadaas ay Bangiyadu jireen xaalada dhaqaale ee dalka sida ay uga shaqeeyeen waxaan odhan karnaa meel fiicanbaynu maraynaa.
“Amal Bank waxaan filayaa in aanu meelna ka maqnayn Bariga Afrika”ayuu yidhi.
Cabdirixiin Axmed Ibraahim oo barmaamujka lagu waraystay gaar u khuseeyey maal-gelinta Ganacsiga Haweenka, ayaa tilmaamay inay si gaar ah ugu faanayaan fursadaha maal-gelinta Ganacsiga yar ee Haweenka, waxaanu ku amaanay inay soo celinta daynta aad ugufiican yihiin Haweenku
“Waxyaabaha ugu waaweyn ee aanu ku faani karno waxa kamida Barmaamujka horumarinta ganacsiga Haweenka oo aanu magaciisa u bixinay Hodmiye, barmaamujkaas marka Somaliland oo dhan la eego waxa ka faa’idaystay ilaa Kun qof (1000 Qof), barmaamukaasi wuxuu u diyaar sanaa in dadka la siiyo Lacago deymo ah oo ay ku soo shaqaystaan oo ay iska soo celinayaan, iyadoo aan wax faa’ido ah laga rabin. Barmaamujkaasi waxa aanu ugu talogalnay inuu noqdo mid sanadkiiba mar baxa.
Haweenka aadbaan ugu amaannayaa sida quruxda iyo sharafta leh ee ay daymaha u soo celiyaan oo ay wax aynu ku faani karno”ayuu sii yidhi madaxa suuq-geynta Amal Bank.
Isagoo sharaxaya shuruudaha ay ku xidhayeen dadka ka faa’idaystay barmaamujka hodmiye, waxa uu sheegay “Shuruudaha aanu ku xidhaynay waxay ahaayeen kuwo fudud oo ay kamid tahay inay la yimaadaan waraaqdii cashuur-bixinta, inay ganacsi leeyihiin oo aanay ahayn dad guryaha iska fadhiya, inay keenaan qof damiin yar oo fudud ah si ay aaminaadii u suurtogasho”ayuu yidhi.
Cabdirixiin ayaa sheegay inay wakhti iyo dedaal u baahan tahay fahamka Bulshada Somaliland ee macaamilka Bangiyada, shirkad ahaana ay juhdi gelinayaan sidii ay isula jaanqaadi lahaayeen dadka iyo Bangiyada bixiya fursadaha maalgelinta Ganacsigu, taasoo uu ku tilmaamay mid dhaqaalaha dalka wax weyn ka bedelaysa.