Bulshada oo loo Bandhigay Taariikhda Halgamaagii Weynaa ee Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle)

0
720

Hargeysa(Dawan):-Waxa xalay lagu soo bandhigay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa buug la yidhaahdo Astaan Halgan oo lagu soo ururiyey taariikhdii ALLE ha u naxariistee Halyeygii weynaa ee Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) iyo kaalintii uu ku lahaa halgankii dib u xoreynta Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Waxa xafladii daahfurka buugan ka soo qaybgalay Wasiirro, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mujaahidiin, siyaasiyiin  iyo dadweyne tiro badan oo ka soo qaybgalay xafladii loo sameeyey buugaasi.

 

Jaamac Gaashaan-cade oo ah qoraha buugga ayaa sheegay inuu buugani koobayo taariikhdii dheerayd ee ALLE ha u naxariistee Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle), waxaanu u mahadceliyey cid kasta oo kaalin ka qaadatay dhammaystirka buuggaas oo uu tilmaamay inuu noqon doono dhigane ay da’yartu wax badan ka korodhsan doonto.

 

Mujaahid Axmed Mire Maxamed iyo Mujaahid Ibraahim Cabdilaahi Dhego-weyne ayaa ka warramay taariikhdii halganka ee Marxuum- Lixle oo ay ku tilmaameen geesi qaran oo xoreynta dalkiisa iyo dadkiisa naf iyo maalba u huray, isla markaana ku shihiiday sidii dadweynaha reer Somaliland ay cisi iyo Sharaf ugu naaloon lahaayeen.

 

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sheegay in marxuum Lixle ahaa geesi weyn oo astaan u ahaa halgankii dalka loo soo maray.

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Kaahin Axmed, wuxuu sheegay Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) uu ahaa sarkaal sare oo aqoon dheer u lahaa ciidammada isla markaana ahaa Injineer, waxa uu sheegay in mudadii aanu talaabin Mujaahid Lixle uu ahaa saraakiishii u badheedhay inay halganka ka wadaan gudaha dalka.

 

Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Wasiirrada Wasaaradaha Beeraha Axmed Muumin Seed, Xanaanada Xoolaha Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka Shaqo-gelinta Mustafe Godane Cali Bile waxaanay dhammaantood bogaadiyeen buugan oo ay sheegeen inuu noqon doono dhaxal da’yartu ka faa’iidaysato.

 

 

Leave a Reply