Hay’adda Caalamiga ah ee Qulqulatooyinka Adduunka oo Somaliland Majeeratay

0
680

Hargeys(Dawan)-Hay’adda Caalamiga ah ee Qulqulatooyinka Adduunka ee loo yaqaano The International Crisis Group, ayaa majeertay Doorashooyinkii Baarlamaanka iyo Goleyaasha Deegaanka ee ka qabsoomay Jamhuuriyadda Somaliland 31kii May ee sannadkan, waxaanay ku tilmaameen inay Somaliland tallaabo muhiim ah u qaaday dhinaca Dimuqraadiyadda iyo xasiloonida.

 

Warbixin dheer oo ay shalay soo saartay Hay’adda The International Crisis Group, oo ay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, soo turjuntay ayaa lagu sheegay in xisbiyada mucaaridka ahi ay guulo waaweyn ka gaadheen doorashadaasi, isla markaana ay doorashadii Guddoonka Baarlamaanku ku soo dhammaatay si horusocod leh 3dii Bisha August.

 

Warbixintu waxay intaas ku dartay inay Somaliland muujisay dhaqan dimuqraadiyadeedkeeda, inkasta oo aanay jirin haween lagu soo doortay Baarlamaanka, hase ahaatee ay doorashooyinkaasi ku qabsoomeen si nabdoon oo xor ah.

 

The International Crisis Group, waxay sheegtay tan iyo markii ay Somaliland madax-bannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya ay horumar weyn ka samaysay dhinaca nabadgelyada, isla markaana ay hanatay maamulka dalkeeda oo ay hirgelisay dawladnimo.

 

Warbixintu waxa kaloo ay xustay in doorashooyinka ay Somaliland qabatay ay ahaayeen qaar muddo dhaafay oo Golaha Guurtidu dhawr jeer ugu sameeyeen muddo kordhin.

 

Waxa kaloo The International Crisis Group ay iftiimisay in doorashadan oo mucaaridku ku guulaystay ay noqonayso markii labaad ee mucaaridku guul ka soo hooyaan doorashooyinka Somaliland, iyadoo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo mucaarid ahaan jiray uu ka guulaystay doorasho madaxweyne Madaxweynihii xilka hayey ee Daahir Rayaale Kaahin sannadkii 2010kii.

 

Warbixinta The International Crisis Group waxa lagu sheegay in doorashooyinkii Wakiillada iyo Goleyaasha deegaanka ee ka qabsoomay Somaliland ay ifafaale  wanaagsan u noqonayso mandaqada Geeska Afrika oo doorashooyinka lagu murmo isla markaana in mucaaridku guullo ka gaadhaan ay tahay dhif iyo naadir. Waxa kaloo ay intaas ku dareen in doorashooyinkani ay sii xoojiyeen sooyaalkii iyo sumcadaa doorashooyinka dimuqraadiga ah ee  Jamhuuriyadda Somaliland.

Leave a Reply