Golaha Guurtida oo soo taabtay xaqiiqada ka jirta xarunta Dhaqanka Hargeysa

0
1015

Hoos ka Daawo Muuqaal….

Guddida Joogtada Golaha Guurtid Somaliland, ayaa booqasho xaqiiqo raadin ah ku tegay xarunta dhaqanka ee Magaalada Hargeysa, halkaasoo ay kulan kula yeesheen maamulka xarunta, si qoto dheerna ugu kuur-galeen arrimaha halkaasi lagu qabto.

Arrintan ayaa ka dambeysay, kaddib eeddeyn muddooyinkan dambe loo jeedinayey xarunta oo la xidhiidha inay gabood u tahay arrimaha dhaqan-xumada iyo sadhaynta muwaadiniinta.

Guddida ayaa kulamadooda iyo baadhista ay sameeyeen kaddib Warbaahinta la hadlay, waxaanay sharaxaad ka bixiyeen waxyaabaha ay ku arkeen, iyadoo sidoo kale guddoomiyaha xaruntaasi Jaamac Muuse Jaamac Warbaahinta la hadlay.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Leave a Reply