“Qof Masuuliyad loo Diyaarinayaa Haddaanu Salaadda Tukan been buu Sheegayaa..” Taliyaha Ciidanka Booliiska

0
511

Mandheera-(Dawan)- Taliyaha Ciidanka Booliiska Sareeye Guuto Maxamed Adan Saqadhi ayaa sheegay in qof kastoo masuuliyad loo diyaarinayo, haddaanu salaada tukan, uu been sheegayo, maadama aanu ninka Ilaahay SW been u sheegay, dadka run u sheegi karin, waxna qaban karin, mar uu shalay tababar u furayey ciidan layli sarkaal ah.

Munaasibad lagu qabtay dugsiga tababarka Ciidanka Booliiska Lixle ee Mandheera oo Taliyaha Hogaanka Hawlaha Ganshale Sare Ibraahim,Taliyaha Hogaanka Tababarka Ciidanka Booliiska Ganshale sare Faysal Xiis Cilmi iyo Taliyaha Kuliyadda tababarka Ciidanka Booliiska Lixle Ganshale sare Jaamac khudbado uga jeediyeen ciidamada layli sarkaal loo tababarayo oo tiradooda guud tahay 155 askari, ayaa yidhi,

“Layli sarkaal waa nin hoggaamin loo tababarayo, waa inuu qaato casharada laha bilaabo kuwa garoonka-gaardi, barashada qoriga ama tab ha noqotee, ilaa casharada fasalka lagu bixiyo.”ayuu yidhi Hoggaanka Hawlahu

“Taliyaha Ciidanku waxuu idiin furayaa tababarkii layli sarkaal oo ah kii ugu horeeyey ee dugsiga tababarka Mandheera ee Lixle lagu qabto.” ayuu yidhi  Hoggaanka tababaradu Faysal Xiis

“Tirada u diyaar ah in tababarka layli sarkaal loo furo waa 155 askari, oo u kala baxa 97 ciidanka booliiska, 41 Ciidanka Badda, 17 Ciidanka Immigration-ka.” ayuu yidhi Taliyaha Dugsiga Mandheera Ganshale Sare Jaamac

Khudbad uu Talliyaha Booliisku Sareeyo Guuto Maxamed u jeediyey ciidamada kala duwan ee tababarku u furmayey  ayaa si adag ugula dardaarmay inay waajibaadka Ilaahay SW ee salaadu u horeyso gutaan, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa,

“Haddaynu waajibaadka Ilaahay SW garano, waxyaalaha kale la inoo abuuray waynu garran doonaa. Qof masuuliyad loo diyaarinayo, haddaanu salaada tukan, been buu sheegayaa, ninka Ilaahay SW been u sheegay, dadka run uma sheegi karo.”

Taliyaha Ciidanka Booliiska Saqadhi ayaa sheegay in tababaradii ciidamada laba dugsi loo qeybiyey, qeyb Dugsiga Mandheera laga dhigay, halkan oo booliiska, Ciidanka Badda iyo Immigration-ka lagu tababaryo iyo Ciidanka Qaranka, Asluubta iyo Sirdoonka oo Dararweyne lagu tababaryo, isagoo faahfaahin ka bixinayey nasiibka ciidankan layli sarkaal loo tababaro ayuu yidhi,

“Waxaad tihiin rag waaya-aragnimmo ciidan leh, oo waddanka tacab badan soo geliyey, xaqna u leh in saraakiil la idiin diyaariyo. Aqoontii hoggaaminta ayaa la idin barayaa.”

Taliye Saqadhi oo ka hadlayey muhiimada casharada ciidanka la barri doono ayaa sheegay in sarkaalka saldhiga haysta, haddaanu lahayn aqoon uu khaladaad baadhaha kiiska ka dhaca ku ogaan karo, aanu cadaalad samayn karin, hoggaamintiisana wax ka dhiman yihiin, waxaanu yidhi,

“Dulmi baa dhacaya, khaladaad ayaa soo baxaya, maxaad wax ku maamulaysaa oo xaqaaga ku ilaalinaysa, ama xaqa dadkana kaa ilaalinaya, hadaanad xeerka booliiska baran?

Tababarkan oo muddo lix bilood ah u socon doonta ciidamadan kala duwan ee saraakiisha loo tababaro ayuu Taliyaha Booliiska kula dardaarmay inay noqdaan kuwo aqoonta la barayo weeleeya, si ay bulshada ay ku noqonayaan ugu adeegaan, waxaanu yidhi,

“Waa inaad weelaysaan aqoonta laydin dhigayo, si ay shaqada aad bulshada u qabanayso u hagto. Akhlaaqda wanaagsan ee halkan aad kala tagtaan qofka ayey anfacaysa, oo ummada ayaad ku anfacaysaan.”

Taliye Saqadhi ayaa sheegay in ciidanka booliiska inta badan cabasho laga sheegto, iyagoo dedaala oo hawlo ka culays badan qabta, balse muhiim tahay inay iska gufeeyaan meelaha dhaliilahu uga imanayaan, waxaanu yidhi,

“Innagoo waxqabad muuqda samayna, haddana inta la innagaga cabanayo waa inaynu iska dhaafnaa, hadii aynaan dadka dhaqan, wada shaqeyntooda ma helayno, ciidanka halkan fadhiya oo u badan kuwii SNM ee dadka u soo dagaalamay, inaad xil weyn iska saartaan sidaad bulshada si fiican ugu shaqeyn lahaydeen ayaa la idiinka doonayaa.” Ayuu yidhi Taliye Saqadhi, isagoo raaciyey,

“Waxa la idiin tababarayaa inaad noqotaan hayinkii dadku rarranayey, oo isagoo dusha ku sida dadka la socon lahaa, halku-dhigeenu waa kaa,”

Taliyaha Ciidanka Booliiska Sareeyo Guuto  Maxamed ayaa digniin u jeediyey ciidanka layli sarkaal loo tababarayo, waxaanu yidhi,

“Kuliyaddu xeerar ayey leedahay, qofkii jebiya, degdeg ayaa looga saarayaa xerada.  waxaan idiinku dardaarayaa maanta hadaad ahaydeen qof masuuliyad keligii saarnayd, masuuliyada weyn ee aad qaadaysaan waa inuu nin walba u diyaargaroobaa.”

 

 

Leave a Reply