“Mushkilada ugu weyn ee dalkan ka jirtaa shaqo la’aan weeye..”Wasiirka Shaqo-gelinta Somaliland

0
540

Magaalada Hargeysa waxa maanta lagu qabtay kulan hawleed lagu lafa-guray hirgelinta siyaasadda shaqo-abuurka ee heer Qaranka, kaasoo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo Qoyska Somaliland, kana soo qaybgaleen Agaasimeyaasha guud ee Wasaaraddaha qorsheynta Qaranka, Xannaanada Xoolaha, Beeraha, Ganacsiga iyo hawlaha guud.

Shirkan oo intii uu socday ka qaybgaleyaashu kaga dooddeen isku-dheeli-tirka fursadaha shaqo-abuur iyo shaqo la’aaneed ee dalka ka jirta, ayaa waxa hadal ka jeediyey markii uu furayey Wasiirka Wasaaradda shaqo-gelinta, Arrimaha bulshada iyo Qoyska Mustafe Maxamuud Bille (Godane), waxaanu sheegay in kulanka looga gol leeyahay sidii loo tuujin lahaa hirgelinta siyaasaddan, si loogu dhaqmo oo midho-dhal looga abuuro.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Leave a Reply