Maydad Dhintay 30 sanno ka hor oo Hargeysa laga Helay

0
601

Hargeysa-(Dawan)-Shalay iyadoo lagu guda jiro mashruucii biya balaadhinta Hargeysa oo dhulka la qodayo si loogu aaso beebabka biyaha waxa ay cagaftu soo saartay xabaal wadareed qofkii u horeeyey ee ka soo baxayna waxa uu noqday mid ka mid ah askartii ciidamada qalabka siday oo dirayskii iyo darajadiiba xidhan, askarigan oo ka kid ahaa dadkii sida arxan darrada ah hayb ahaanta loo laayey. Xafiiska dabagalka xasuuqa ayaa la wareegay goobtaas si lafaha dadkaas si sharaf leh dib loogu aaso goobo ku haboon.

Warshadda caanaha Hargeysa agagaarkeedu waxa ay ka mid ahayd goobaha xabaal wadareedyada waxaana ku jira dad aad u tiro badan la xasuuqay wakhtigii rajiimkii Siyaad Barre.

 

Leave a Reply