Wasiir Weerar Afka ku Qaaday Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland

0
813

Hargeysa-(Dawan) Wasiirka Wasaarada  Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta  Kaluumaysiga  Somaliland Siciid  Sulub  Maxamed  ayaa jawaab adag ka bixiyay hadalo  ka soo yeedhay Xildhibaan  Axmed Yaasiin oo ka tirsan Golaha Wakiillada.

Siciid  Sulub  Maxamed  oo shalay Warbaahinta la hadlay ayaa  sheegay in  Mashruuca Calafka Xoolaha Wajaale ee uu naqdiyay Xildhibaan  Axmed Yaasiin lagu tayaynayo taranka Xoolaha, waxaana uu uu usoo jeediyay Xildhibaanada Golaha Wakiillada in ay ka taxadiraan  dambiyada  ay  galayaan.

“Mashruuca Wajaale ee Tayaynta Calafka Xoolaha waa Mashruuc loogu talo galay oo Siyaasada Wasaarada ka leedahay ahaa in lagu tayeeyo taranka Xoolaha, waxaana uu  marayaa marxaladiii ugu dambaysay ee lagu xidhayay Dhulkii daaqa lagu beeri lahaa laababkii lagu talaalayay Xoolaha way noo samanyihiin. waxaana Mashruucaas wax ka sheegay Xildhibaan Axmed Yaasiin oo ka mid ahaa Xildhibaanadii Golaha Wakiillada ee  ka soo baxay Gobalka Awdal oo ceebo badan Qaranka ka sheegay iyo Jiritaankeena,aniga Xidhibaan kaasi wuu ii yimid waxaana uu i waydiiyay dhul Magaalo cad leedahay ayaad Wajaale raaciseen waxa aan ku idhi wax aad ka hadlayso garan maayo marka aad xog dhaba ka hesho Mashruucaas  aynu isku soo noqono,”. Ayuu yidhi

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxa uu tilmaamay in  Xildhibaankaasi u hadlay  sida qof suuqa jooga.Waxaana uu yidhi”Waxaana aad moodaysay hadalkiisa sidii  qof ciilqaba oo wixii uu suuqa la joogay la soo galay golaha wakiillada ee aan Qaranimo danaynayn oo aan u meel dayayn.kala  xadaynta dhulka waxa qaabilsan wasaarad arimaha gudaha Mashruucaasi maaha mid ku xidhan gobol iyo degmo waa mashruuc qaran oo Somaliland dhan u furan,waxaana ka muuqatay xildhibaankaas qabiilnimo waxaana aan leeyahay Xildhibaankaas iyo Xildhibaanada la mid ka ah ee degdegaya toddobaad ayaad joogteen shaqooyinkii qaranka ee laydiin igmaday may dhicin guddi hoosaadyadii maydun samaysan wixii dibada aad la joogteen hala degdegina. gole qaran ayaad tihiin dalka u tudha waana in aad ka taxatirtaan dambiyada sida yar aad  ku galaysaan qaranka lagu dumuniyo  Xildhibaanku dambi ayuu gali karaa macsuun matihiin hadii laysku awood sheegto waala garanayaa cida awooda ugu dambaysa leh,”.

Leave a Reply