SHAQAALAHA NADAAFADDA IYO QURUXDA DARIIQYADA !

0
963

Dalka Singapore haddii uu qof muwaadin ah dariiqa ku tuuro xashiish waxa sharci ahaan ka yaalla ciqaab ganaax oo yaab leh. Ciqaabka qofkaasi ayaa in ah in muddo saddex maalmood ah oo isku xigta uu dariiqayada magaalada nadiifiyo isagoo xidhan dirayska shaqaalaha nadaafadda.

Qanuunkan ayaa ka dhigay dalkaasi dalalka ugu horeeya dunida dhinaca nadaafadda magaaloyinka. Waxa kale oo sharcigan ka dhigay shaqaalaha nadaafadda mid furan oo qof kasta uu hawshaa ka qayb qaadan karo, iyadoo wakhtiyada qaarkood la arko dad magaca leh oo nadiifinaya suuqyada ka dib markii ganaxaasi ku dhacay.

Leave a Reply