Haween markale kasoo muuqdey shaashadaha tv-yada Afghanistan

0
546

Haweenka ka shaqeeya Tv-yada dalka Afghanistan, ayaa shaqooyinkii dib uggu noqdey, ka dib markii talada dalka ay si buuxda ula wareegeen ururkaTaliban.

Telefishanka Tolo, ayaa dib hawada ugu soo noqday, iyadoo haweenka ka shaqeeyana ay hawlahoodda u wataan sidii caadiga aheyd.

Tv-ga ayaa si ku meel gaar ah hawada loogga saarey, markuu is badalku dalka Afganistan kadhacey.

Tv-ga Tolo News, ayaa sheegay in baahintii barnaamijyadoodi sidii caadiga aheyd u shaqeyn doonaan.

Arrinkan ayaa meesha ka saaraya su’aalo hore ama dacaayado loogu jeedinayey ururka Talibaan inay joojin doonaan shaqooyinka haweenku dibedda guryahooda ka qabtaan.

Leave a Reply