Qalfoofka Caga-baruur noolaa 20 qarni hortood oo la helay

0
710

Qalfoofka dhal Libaax dhedig ah (Cagabaruur) la xifdiyey ayaa la sheegay in laga helay deegaanka permafrost-ka ee dalka Siberia, oo la qiyaasayo inuu noolaa muddo laga joogo 20 qarni hortood, lana filayo in raadadkii caanaha hooyadeed gudaha loogu tago, ayay saynisyahannadu sheegeen.

Cagabauur la sheegay inuu lab yahay, loona bixiyey Sparta, ayaa laga helay webiga Semyuelyakh ee gobolka Yakutia ee Ruushka sannadkii 2018 -kii, waxaana sannadkii hore la helay mid labaad oo loo bixiyey Boris, sida lagu sheegay daraasad lagu daabacay joornaalka sayniska ee Quaternary.

Valery Plotnikov, oo ka mid ah qorayaasha daraasadda, ayaa sheegtay in Sparta ay weli dhogorti ka muuqato qalfoofka.

“Waxaa laga yaabaa, oo rajaynaynaa, in qaar ka mid ah raadadkii caanaha hooyadu (weli waa dhawrsan yihiin). Sababtoo ah hadii taasi suurtowdo, waan fahmi karnaa noocyada cuntadii hooyadu ahayd.”

Sparta iyo Boris, oo ah lab ah, ayaa laga helay masaafol isu jirta 15m (50ft) midba midka kale, laakiin noloshoodu waxay kala horeysay kumanaan sannadood.

Leave a Reply