Warsidaha The Independent Turkish oo Warbixin ka Qoray Hannaankii Somaliland u Waajahday Xakameynta COVID19

0
793

Warsidaha The Independent Turkish ayaa  warbixin uu ka qoray caqabadihii Afrika soo wajahay xiligii uu Adduunka ku faafay Xannuunka COVID 19 iyo saameynta taban ee xannuunkaas ka dhashay, waxa uu ku soo qaaday sidii ay Jamhuuriyadda Somaliland u maareysay  Coronavirus.

Warbixinta The Independent Tukish oo uu qoray Suxufi la yidhaadho Cumar Faaruq, oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka ee SOLNA, ayuu kaga hadlay hanaankii ay Jamhuuriyadda Somaliland kaga dabaalatay halista COVID 19.

Dr. Cabdiwahaab Cabdi Jaamac (Nakruuma) oo ah sarkaal ka tirsan Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa u sheegay warsidaha The Independent Turkish, in JSL oo aan la aqoonsani ay guntiga u xidhatay xannuunka Coronavirus, isla markaana la diyaarisay lacag dhan  Afar Milyan oo Doollar oo laga soo kala qaaday Miisaaniyadda Xukuumadda, iyo ganacsato maxali ah iyadoo aan la sugin kaalmo dibadeed.

Waxa kaloo Dr. Nakruuma uu intaas ku daray in la soo rogay awaamiirtii lagu xakamaynayey Coronavirus, waxaanu tilmaamay in Jamhuuriyadda Somaliland oo aanay beesha caalamku aqoonsani ay haddana dhaqaale xannuunka lagaga hawlgalo ay abuurtay.

Cabdiwahaab Cabdi Jaamac wuxuu u xaqiijiyey Warsidaha The Independent Turkish, inay Somaliland si iskeed ah  u dhisatay dawladnimo iyo nabadgelyo  buuxda oo dalkeeda ka hirgashay. Waxaanu intaas ku daray illaa Sagaashamaadkii aanay Somaliland wax kaalmo ah ka helin caalamka intiisa kale.

Warsiduhu wuxuu  sheegay in waxyaabaha ay Somaliland qabsatay iyo isu filnaanshaha ay beegsanaysaa uu himilo wax-ku-ool ah u noqon karo dalalka kale ee Afrika, si ay u gaadhaan qorshe horumarineed.

Leave a Reply