Degmada Gebilay oo Nidaam Xisaabeed daah-furan hormood ugu noqotay 101-da Degmo ee dalka

0
456

Gebilay-(Dawan)- Degmada Gebilay ayaa taariikhda ku gashay Degmadii koowaad ee laga hirgeliyo nidaam xisaabeed daahfuran, ka dib markii laga daahfuray Nidaamka Xogta Maarayta Maaliyadda Dawladda ee (IFMIS).

Munaasibad balaadhan oo lagu daah-furay nidaamka casriga ee Maaraynta Xogta Maaliyadda dawladda ee loo yaqaano  IFMIS-ka oo ay si rasmi ah ugu shaqayn doonaan dawladaha hoose ee dalku,kana soo qeybgaleen Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire, Wasiir-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Gudoomiyaha Gobolka Gebilay Md Cabdikariim Adan Diiriye, Gud-xigeenka Gebilay Cali-case, Maayorka Degmada Gebilay, Agaasimaha Guud ee Maaliyadda iyo masuuliyiinta waaxda PFM ee Wasaarada Maaliyadda, Xildhibaanada Dawladda Hoose ee Gebilay oo marti sharaf kale oo lagu casuumay ayaa loo qabtay guusha degmada Gebilay ku talaabsatay.

Dawladda Hoose ee Gebilay oo noqotay degmadii koowaad ee daahfurta adeegsiga Nidaamka Xogta Maaraynta Maaliyadda dawladda ee (IFMIS)-ka ayaa masuuliyiinti ka hadlay is-dul-taageen muhiimada mashruuca iyo faa’iidada uu u leeyahay degmada Gebilay, waxaana hadalkoodi ka mid ahaa,

“Waxaanu ku tababarnay hawlwadeenadda Degmada Gebilay kaalimaha ay ku leeyihiin adeegsiga nidaamka IFMIS, si wanaagsan ayaanay ula qabsadeen adeegsigiisa” ayuu yidhi Madaxa barnaamijka ee Wasaaradda Maaliyadda.

Gudoomiyaha Degmada Gebilay Md Maxamed-amiin Cumar Cabdi oo hadal ka jeediyey munaasibadda lagu daahfurayey ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay adeegsiga nidaamka, waxaanu yidhi,

“Degmo ahaan annagaa codsanay inaan noqono degmadii koowaad ee lagu bilaabo barnaamijkan, hawlwadeenadii iyo qalabkii dawladda hoose ee Gebilay ayaan u adeegsannay hirgelinta barnaamijkan IFMIS.”

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mr Maxamed Cabdi Gurxan oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay, in degmada Gebilay noqotay hogaamiyahii adeegsiga nidaamka IFMIS ee Dawladaha hoose, waxaanu yidhi,

“Degmada Gebilay waxay ku suntanaan doontaa taariikhda degmadii hogaaminaysay adeegsiga nidaamka IFMIS ee maamul-daadejinta dawladaha hoose.

Gudoomiyaha Gobolka Gebilay Md Cabdikariim Adan Diiriye oo munaasibada ka hadlay ayaa sheegay inay sharaf u tahay Gobolka Gebilay guusha degmada Gebilay gaadhay, waxaanu yidhi,

“Sharaf ayey u tahay Gobolka Gebilay in Degmada Gebilay noqoto tii u horeysay ee hirgelisa nidaamka maaraynta maaliyadda.

Wasiir-xigeenka Arrimaha Gudaha Md Cabdinaasir Ibraahim Maxamed oo hadal ka jeediyey ayaa sheegay inay u mahadcelinayaan degmada Gebilay, oo ubo-fur u noqotay dhamaan degmooyinka dalka, waxaanu yidhi,

“Waan u mahadcelinaynaa degmada Gebilay oo hormood u noqotay 101-da degmo ee dalka oo nidaamka laga hirgeliyey, waxaan filayaa in degmooyin badan la gaadhsiin doono.

Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire ayaa ku bogaadiyey Degmada Gebilay hirglinta nidaam xisaabeed daahfuran, waxaanu yidhi,

“Himilada Somaliland waa inay noqto wadan safka hore ka jira daahfurnaan iyo isla xisaabtan, oo tusaale u noqda Geeska Afrika.”

Dr Sacad ayaa u soo jeediyey degmooyinka kale ee dalka inay tusaale wanaagsan u noqoto degmada Gebilay kuna deydaan.

Leave a Reply