“Ninka leh diin kale ayaa Somaliland lagu dhiga Caddayn teedi ayaa laga rabaa”Wasiir Toorno

0
915

Hargeysa (Dawan) – Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, mudane  Axmed Maxammed Diiriye (Toorno), ayaa waxba kama jiraan ku tilmamay eedaha loo jeedinayo, macalimiinta dugsiga Abaarso, waxaanu sheegay in caddayn laga rabo ciddii tidhi diin kale ayaa lagu dhigaa dugsiyada Abaarso.

Wasiir Toorno isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.”Diinta, dalka iyo dad nimada midna iib ma galo, isku riix riix iyo isku ceebayna ma galo, isagay u taala ninkii mucaarad nimo iyo hebel ku xumee u isticmaalaya, ninka leh diin kale ayaa Somaliland lagu dhigaa isaga ayaa caddayn teedi laga rabaa”

Wasiirka ayaa wax lala yaabo ku tilmamay eedeeynta isdaba jooga ah ee uu Cabdimalik Muuse Coldoon sannadihii u danbeeyay u jeedinayay dugsiga Abaarso iyo jaamacadda Barwaaqo, wuxuna sheegay in dugsiyada Somaliland aan lagu dhigan diin aan ka ahayn ta Islaanka.”Waxan doonayaa in aan halkan bulshada uga caddeeyo dugsiyadeenu in ay yihiin meelo diinta Islaanka lagu barto, ee anay ahayn meelo diin kale lagu barto, waxa cajiiba inan kaliya ayaa 10 kii sano ee ugu danbeeyay dugsi qudha dusha ka saarnaa”

Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa marar kala duwan dugsiga Abaarso ku eedeeyay in maamulkoodu diinta Masiixiga ku dhex faafinayo ardayda wax ka barata dugsiga iyo jaamacadda, taasi oo bulshadu ay ku kala qaybsantay xaqiiqnimada sheegashada Coldoon.

 

Leave a Reply