Xukuumada Somaliland oo Eriday Nin Ajanabi Ah

0
731

Berbera-(Dawan)-Shirkada DP World Iyo Maamulka Degmada Berbera ayaa mastaafuriyey Fasil Nasrudiin oo ahaa madaxa Nabadglayada ( Safetyga) ee shirkada Shafa alnahda uu dhisaysay Dekeda Cusub ee Berbera , faasil ayaa doonayey inuu si hoose ugu wareego dhinaca shirkada DP World kadib markii uu soo buuxiyey shaqada nabadlayada ( Safety) ee shirkada DP World .

Ninkan oo u dhashay dalka hindiya ayaa mastaafurintiisa loo isticmaalay kadib markii ay cabasho ka muujiyeen dadka muwaadiniinta ah ee uu la shaqaynayey , waxaa lagu tilaamay inuu ahaa shakhsi xaalad abuur ah oo dhibi jiray shaqaalaha reer Somaliland ee ka hawlgalayey intii uu socday mashruuca dekeda cusub sidoo kale shirkada DP World ayaa balanqaaday inay fursad siinayso dhalinyarada aqoonta leh ee reer Somaliland.

Leave a Reply