Xukuumadda Deegaanka Soomaalida ayaa 20 kun oo geed ku wareejisay duqa Degmada Berbera.

0
461

Jigjiga (Dawan) Dawladda degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa 20-kun oo geed oo ah noocyada loogu tallo galay inay ku baxaan goobaha xeebaha ah ku wareejisay Duqa degmada Berbera mudane Cabdishakuur Maxamuud Cidin, oo booqasho hawleed ku tagay magaalada Jigjiga ee xarunta dawladd degaanka Soomalida Itoobiya.

Munaasibada wareejinta dhirtan waxaa goob ka ahaa wasiir ku xigeenka xafiiska madaxweynaha degaanka Soomaalida, maareeye ku xigeenka maamulka magaalada Jig-jiga iyo maareeyaha hay’adda badbaada degaanka.

Munaasibada wareejinta dhirtan waxaa goob ka ahaa wasiir ku xigeenka xafiiska madaxweynaha degaanka Soomaalida, mudane Cabdirisaaq Sayid ayaa sheegay in ay dhirtani yihiin kuwa habboon inay ka baxaan Xeebta Berbera iyo degaanada hoos yimaada. “Waxa maanta wanaag iyo Sharaf noo ah haddii aanu  nahay xukuumadda degaanka Soomaalida, in aanu halkan ku soo dhaweyno weftiga uu hoggaaminayo duqa degmada Berbera.

Dhirta aanu duqa degmada Berbera ku wareejin doona waa kuwa wax badan ka tari doona cimilada magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, waana 20-kun oo geed oo ay soo diyaarisay hay’adda mar walba hawlahan oo kale sida fiican uga qayb qaadata ee ah badbaadinta degaanka.

Waa dhir loo xushay xeebta Badda Cas oo dhan, sababto ah waxa jiri kara dhir ku habboon Xeebta hareeraheeda, iyo kuwa habboon dhul ka soo fog oo carro madaw oo kale ah, marka waxaa aanu rajaynayna in ay yihiin kuwii ku bixi lahaa magaalada Berbera iyo nawaaxigeeda”

Dhanka kale duqa degmada Berbera mudane Cabdishakuur Cidin ayaa xukuumadda DDSI uga mahad celiyay wareejinta dhirtan waxaanu sheegay in ay wax badan ka tari doonto bilic soo celinta magaalada Berbera “Dhirtan oo 20-kun oo geed ah ahna kuwii ku habboona cimilada Berbera ahna wax qof la siiyo waxyaabaha ugu qiimaha badan marka koobaad waanu idinka guddoonay waananu idinka mahad celinaynaa.

Deeqda 20-ka kun ee geed ahi waa deeq oo waa noo gudoon oo waanu qaadanay, qodobka labaadna waa xujo oo in aanu ka dhabayno ayaa loo baahan yahay, in ALLE naga dhigo kuwii ku guuleysta ee uu ku asturo”

 

Leave a Reply