Wasaaradda Caafimaadka oo Daahfurtay Talaalka ka Hortaga xannuunka Covid-19

0
521

Hargeysa (Dawan)  Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland,  ayaa daah-furtay talaalka ka hortaga xannuunka CORONAVIRUS kaasoo noqonaya markii saddexaad ee dalka laga daah-furo Talaalka, kadib markii ay dhammaadeen wajiyadii hore.

Muwaadiniinta Somaliland ayaa talaalkan ka heli kara xarumaha hoos ku susan iyada oo uu qofka aan hore u qaadan uu qaadan karo wajiga koowaad hakka qofkii marka hore qaatayna uu ka heli karo qaybtiisii labaad oo ay xiligan ku beegan tahay xiligii loogu tala galay in uu qaybta labaad uu qaato.

Muwaadin ka qayb qaado xakamaynta xannuunka CORONAVIRUS oo qaado qaybaha kala duwan ee talaalka kahortaga iyo xakamaynta xannuunka CORONAVIRUS.

Waaxda Xidhiidhka Dadwaynaha, Wacyigalinta Iyo Warbaahinta Ee Wasaaradda H. Caafimaadka JSL.

 

Leave a Reply