Faallo: Barroortu Orgiga Ka Weyn!!

0
665

Hargeysa (Dawan) Calanka Jamhuuriyadda Somaliland dhexdiisa waxaa ku xardhan. ‘Laa-ilaaha Illa-Laahu Muxamedun Rasuulu-Allaah oo Far-Carabi ah;” Astaanta Qarankana waxaa ku qoran, “ALLAAHU AKBAR” oo Far Carabi ah;’ iyo “Bisinka’ shacbiga dalkannina, waxaa uu isku raacay oo cod ku meel-mariyay Dastuur ku salaysan Shareecada Islaamka.

Maadaama ay waayo-arrag u yihiin cawaaqib xumada Dastuur aan ku salaysnayn caqiidada, dhaqanka iyo doonista ummadda. Dastuurka, qodobkiisa 5-aad na, waxaa uu leeyahay. “1. Diinta Qaranka Somaliland waa Diinta Islaamka; waxaana geyiga Somaliland ka reebban faafinta diin aan ahayn Diinta Islaamka. 2. Xeerka dalka waxaa laga qaadanayaa Shareecadda Islaamka; waxaana reebban wixii xeer ah ee ka soo horjeeda. 3. Dawladdu waxay oogaysaa shacaa‟irta diiniga ah (umuurta Diinta); waxaanay fulinaysaa axkaamta Shareecadda. Sidoo kale waxay ka hortegaysaa fisqiga iyo anshax-xumada.”

Dalka warkiisu sidaas u cad-yahay, ma la gaalayn karraa? Cullimadu waxaa ay isku raacsan tahay, Mar haddii Dastuurku waafaqsan yahay Diinta Islaamka.

Dabcan, assalka dawladdaasi in loo tixgalinayo dawlad Muslim ah. Haaheey, Qofka muslimka ah, waxaa laga rabaa in uu waajibaadka diinta oo dhan fulliyo intuu awooddi karo.

Haddii uu waajib ka mid ah waajibaadka diinta ka tago, isaga oo aan baneysan ka tagistaas in lagu gaalaysiiyo waa sharci darro.

Dawladuna waa la mid, mar haddii ay dawlad muslim ah tahay sidda ku cad dastuurka, haddii ay ka tagto fullinta xuduudda qaybo ka mid ah, tusaale ahaan, iyaddoo aan banaysanaynin, falkaas laguma gaalaysiin karro.

Laakiin, waa danbi, danbina laguma gaalaysiin karro qof muslim ah.

Marka ay sidaas tahay, ka waran haddii aad ku margato oo igu xukunto gaalnimmo. Dabadeed igu qaraxdo siddii horeba u dhacdday (Weeraraddii argagixiso ee 2008) haddana aad u maad-maatinayso?

Aan weliba hoos u daadego oo soo qaato, arragtida waddaad safka argagixisadda ka mid ah ahaa oo ka yaabay dhaqanka xag-jirka, ka dibna khudbad jeediyay, waxaa uu yidhi. “Shareecaddu waa ka balaadhan tahay Xuduudka Alle, waxaa ay ka kooban tahay saddex waaxood ayay ka kooban tahay. 1, Caqiiddada 2, Cibaadaadka 3, iyo Mucaamilaadka Xadkuna inta badan waxaa uu hoos taggaa.

Macaamillaadka. Qof kasta oo muslim ahi, waxaa uu Itiqaadsan yahay, in Axkaamta ku saabsan caqiiqadda iyo Cibaadaadka oo aanay sharci u dajin karrin cid aan Alle ahayni.

Maxaa yeellay waa aas-aaska diinta. Wixii la xidhiidha mucaamilaadka waa arrimo adduunyo oo maamulku go’aan ka gaadhi karro, maadaama aanu shareecadda khilaafsanayn.

Asalkanna, waa bannaan tahay in la dajiyo xeer, haddii danta muslimiintu ku jirto. Laakiin, waa in aanu sharciggaasi ka hor immanayn sharciga alle.

Weli miyaad arragteen, fadhi golle baarlamaan yeeshay oo lagu dajiyay xeer la xidhiidha Sallaada, ama Xajka, ama Soonka.

Kali ah waxaa laggaga hadlaa fadhiyadda golaha baarlamaanku waa siyaasad iyo la xisaabtanka xukuumadda Iyo qaabka loo maamulayo dadweynaha. Waxaasina waxaa ay hoos immanayaan, waa mucaamillaadka.

Mar haddii dastuurku qeexayo in aan la soo saarri karrin xeer khilaafsan mabaadiida guud ee shareecadda Islaamka iyo maqaasideedda. Markaa, waxaa loo tix gelinayaa dawlad aan diinta islaamka khilaafsanayn.”

Marka la soo ururriyo, Dalkani waa qarran laamihiisa dawladdnimo u dhan yihiin, kuna dhaqmaya shuruucdiisa waafaqsan shareecadda Islaamka.

Hay’addaha loo doorrtay ayaana ka masuul ah fullinta xeerarkiisa iyo wixii ka soo horjeedda inay ka hor-taggaan. Waana ka war-qabaan geed- is mariska iyo kooxaha weerarka ku ah ee doonnaya inay ku gabaddaan xuubka caaradda.

Waana ay guddanayaan waajibaadka saarran ee ay kagga hor-tagayaan xad-gudub-yadda. Laakiin, waxaa qallinku uga digayaa war-moogga iska raacaya huuhaadda iyo borro-bogaandaha caddawga inay ka feejig-naaddaan oo aanay u muuqan kuwo ka jira qarankooda.

Leave a Reply