Golaha Wakiillada Somaliland oo Shaqadooda lagu Tobabaraayo

0
486
Hargeysa-(Dawan)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay in toddobaadka soo socda aqoon isweydaarsi loo furi doono Mudaneyaasha Golaha Wakiillada.
Guddoomiyaha Wakiillada oo ka hadlayey fadhigii maanta ee golahaas, waxa uu xusay in tababarkani la xidhiidho shaqada Golaha iyo waajibaadkooda, isaga oo sheegay in uu bixin doono aqoon isweydaarsigaasi khabiir Ajaanib ah iyo aqoonyahan reer Somaliland ah.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Khaliif, waxa kale oo uu sheegay in bulshadu si weyn ula socoto doodda Golaha, isla markaana indhaha bulshadu ay eegayaan hawsha ka socota Golahaas, waxaanu ku booriyey in ay hadalladooda u meel dayaan oo ay ku koobnaadaan kolba mowduuca laga hadlayo.

Leave a Reply