Xildhibaan Golaha Wakiillada Oo Maanta Ansixiyaya Xeer-hoosaadka Golahaasi

0
653

Hargeysa-(Dawan)-Golaha wakiillada Somaliland ayaa ansixiyay xeer hoosaadkii ay ku shaqayn lahaayeen, ka dib markii ay ka doodeen kaasbis iyo wax ka badel ay ku sameeyeen xeerkii hoosaadkii ay ku shaqayn jireen golihii iyaga ka horeeyay.

Gudoomiyaha Gudidii golahaasi u xil saaray wax ka badla iyo kaabista xeer hoosaadka golahaas xildhibaan Cabdilaahi Muuse ayaa xildhibaanadii fadhigaas ku sugnaa warbixin ka siiyay kaabisata ay ku soo sameeyeen xeer hoosaadkaas, waxaanuu xusay in xeerkaasi mudan yahay in golaha wakiilladu ansixiyaan si uu u noqdo mid ay ku shaqeeyaan.

Xeer hoosaadkaas oo ka kooban 73 qodob waxa ansixintiisa ogolaaday 70 xildhibaan, waxa diiday 4-xidhibaan 1-xildhibaan ayaa ka aamusay, guddoomiyuhuna muu codayn, sidaasna waxa ka ansaxay kaabista iyo wax ka bedelka xeer hoosaadka golaha wakiillada Somaliland.

Leave a Reply