Risiqu Waa Qoran Yahay, Dadaalkuna Waa Muhiim?

0
433

Aabe beerlay ah ayaa  wiilkiisa kula taliyay inuu shaqo ka soo raadsado magaalada. Wiilka ayaa qaatay talada aabihii oo tegay magaalada. Intii uu ku jiray safarkii lugta ee dhexda ayuu daalay ka dibna geed ayuu hoos fadhiistay.

Geedka waxa fuushana  Gorgor ay ka muuqato xanuun iyo gaajo oo geeridu qarka u saaran tahay.

Wiilka ayaad u naxay oo is weydiiyay “ Haddaan raashin sidan lahaa waan quudin laha”. Waxa yar ka dib waxa geedka meel u dhow  Ugaadh uu eryanayay ku qabsaday Libaax. Markii uu dhergay ayuu ka tegay hadhaagii.

Gorgorkii ayaa soo degay oo cunay, ka dibna geedkiisa ku noqday isagoo gaajadii ka ba’day oo dhaqdhaqaaq iyo cod bilaabay. Wiilka ayaa iskaga noqday shaqadii uu doonayay oo aabihii uu tegay.

Aabihii ayaa weydiiyay waxa ka soo celiyay inuu magaaladii shaqo u doonto. Wiilkuna wuxu uga sheekayay qisadii, waxaan uu yidhi “ markii aan arkay libaaxa u keenay ugaadha ah Gorgorka gaajaysan waxaan ogaaday in risiqu yahay waxa qoran oo laguu keenayo adigoon doonanba meel kasta oo aad joogto, markaa maxaan shaqo ka doonan wixii la ii qoray halkan ayay Aabo iigu imanaysaa”.

Aabihii ayaa ugu jawaabay “ Oo Miyaanad adigu jeclayn inaad noqoto libaaxa isugu ku keenaya ee dadaalkiisa lagu dhergayo, halkii aad ka noqon lahayd Gorgor buka oo sugaya hambada kan dadaalay ee shaqaystay”.  Risiqu wuu qoran yahay laakiin u dadal inaad shaqaysato oo dadkana waxtar  u yeelato.

Leave a Reply