Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo UK lagusoo Dhaweeyey

0
437

Hargeysa-(Dawan)-Xisbiga mucaaradka ah ee UCID iyo xubno ka mida jaaliyada Somaliland waxa soo dhawayntiisa qayb ka ahaa xubno ka mida masuuliyiinta xisbigaas ee dalka Ingiriiska iyo qaar ka mida jaaliyada Somaliland ee ee ku nool magaalada London.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa dhammaan xubnihii soo dhaweeyay uga mahadceliyay sida qadarinta leh ee ay u qaabileen weftiga uu hogaaminaayo.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe wuxuu xubnihii soo dhaweeyay u sheegay in Somaliland doorashadii isku sidkanayd ee dhacday 31 may 2021 ay hayd mid Somaliland qiimeheeda kor u qaaday, isla markaana muujisay bisaylka Somaliland ee dhanka dimquraadiyada iyo doorashooyinka.

Ugu dambayn guddoomiye Faysal wuxuu guud ahaan bulshada Somaliland, siiba kuwa ku nool wadamada dibada u soo jeediyay in aanay rumaysan wararka been abuurka ah ee dalka laga faa’iyo, kuwaas oo ay ka dambeeyaan dad lid ku ah qaranimada Somaliland.

Leave a Reply