Ceerigaabo: 10 Eedaysane iyo Saddex Baabuur oo Xukun lagu riday

0
924

Ceerigaabo-(Dawan)-Guddoomiyaha maxkamadda degmada Ceerigaabo Maxamed Axmed Olol ayaa xukunno kala duwan ku riday 10 eedaysane iyo saddex gaadhi, oo sifo sharci darro ah uga ganacsanayay dhuxusha dalka.

 

Eedaysanayaasha iyo gaadiidkaba lagu soo qabtay hawlgallo ay fuliyeen ciidamada Booliska iyo wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ee gobolka Sanaag. Waxaana ugu horreyntii xukunnadaasi kala duwan ee ay ridday maxkamadda degmada Ceerigaabo ku dhawaaqay, guddoomiyaha maxkamadda Maxamed Axmed Olol, waxaana uu sheegay in eedaysanayaashu ay ku gefeen qodobka 28aad iyo 15aad ee xeer nambar 69 ee 2015, isagoo xusay in eedaysanayaashu ay si wada jir ah ay u galeen dambigan oo ah inay xaalufin iyo goynta dhirta qoyan ka wadeen dalka, taasna uu dambi ka dhigayo dastuurka iyo xeerarka kale ee deegaanka u dejisan.

 

Geesta kale, taliyaha dambi baadhista gobolka iyo isuduwaha wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ee gobolka Sanaag, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in maxkamadda ay ku wareejiyeen kiiska saddex gaadhi oo dhuxulaysato ah iyo 9 eedaysane, kuwaasoo loo haystay inay jabiyeen shuruucda ilaalin deegaanka ee Somaliland.

 

Gebo gebadii, waxa halkaasi ka hadlay guddoomiye ku xigeenka gobolka Sanaag Maxamed Khaliif Nuur, oo u mahadceliyay mas’uuliyiinta wasaaradda deegaanka iyo saraakiisha ciidanka booliska ee ka hawlgalay sidii sharciga loo horkeeni lahaa dadkaasi xaalufinta ka waday deegaanka Somaliland, isagoo sidoo kale u mahadceliyay xeer ilaalinta qaranka iyo maxkamadda oo uu sheegay inay waajibkoodii ay ka guteen. Waxaana uu ugu baaqay bulshada degan gobolka Sanaag inay ka waantoobaan wixii deegaanka dhibaya.

Leave a Reply