Xukuumadda Oo Xoojisay La Socodka Dhaqdhaqaaqa Mandaqada

0
534

Hargeysa-(Dawan)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegtay in ay xoojisay la socodka dhaqdhaqaaqa ka socda mandaqada Geeska Afrika.

 

Wasiirka Arrimaha gudaha mudane JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa Fadhigii 78-aad golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenku, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), xog ka siiyey nabadgelyada guud ee dalka iyo dedaallada ay ciidamadu ugu jiraan ka hortagga arrimaha la xidhiidha sugidda amniga iyo la dagaallanka mukhaadaraadka. Sidoo kale wasiirku waxa uu golaha la wadaagay in la sii xoojiyey la socodka arrmaha ka socda mandaqada Geeska Afrika.

 

Waxa isna golaha warbixin la xidhiidha nidaamka iyo habraaca miisaaniyad sannadeedka 2022 golaha la wadaagay wasiirka horumarinta maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, dood iyo falanqayn dheer ka dibna waxa xubnaha golaha wasiirradu u soo jeediyeen wasiirka talooyin la xidhiidha miisaaniyadda qaranka Somaliland.

 

Ugu danbayntiina wasiirka oo ku guda jira sharraxaada miisaaniyad sannadeedka ayaa xusay in sannadkan boqolkiiba labaatan (20%) la kordhin doono mushaharka dhammaan ciidamada qalabka sida.

 

 

Leave a Reply