Dadka Aanay Taariikhdu Xusin !

0
549

Sh.Cumar  Al-Mukhtar waxa uu dhashay Bishii August sanadkii 1858 , waxaana uu noqday hogaamiyihii dagaalkii ay shacbiga Liibiya iskaga xoraynayeen gumaystihii Talyaniga.

Sanadkii 1931 ayaa ciidankii Talyaanigu dagaal ku qabteen, isla markii ay garteen inuu yahay hogaamiyihii dagaal yahanada ayay aad u farxeen oo madaxdii isugu timi.

Maalintaasi sawirkii ay la galeen isagoo silsilad lagu xidheen ayaa halkan ka muuqda. Waxaana ay maxkamadii Talyaanigu ku xukuntay deldelaad, iyadoo taasina lagu fuliyay. Geeridu waa mid noola kasta ku dhacaysa.

Saraakiishan Talyaaniga ah ee la sawiran Sh.Cumar (AHN) , maanta iyaguna dhamaantood dunida waa ay tegeen,  iyagoo wada dhintay, isla markaana taariikhdu waxba kama ay xusin, laakiin Sh.Cumar Al-Mukhtar  waxa uu noqday taariikhda dunida iyo tan dalkiisa  Liibiya mid ka dhex ifaya. Qofka dadkiisa waxtra sidaasi ayaa weligood loo xusuustaa.

Leave a Reply