Dawladda Bulshada Ayaa Danta Ugu Weyn Ku Qabta!

0
534

Falsafadda siyaasadeed (Political Philosophy) ayaa ah baadhitaanka jawaabta su’aalaha asaasiga ee la xidhiidha xukuumadda, siyaasadda, xorriyadda, cadaaladda iyo hirgelinta xeerarka iyo shuruucda.

Faylasuufkii Ingiriiska ahaa ee oo dhintay Bishii Oktoobar 1679-kii ka dib markii xanuun kaga dhacay  kaadiheysta, ka dibna uu faalig ku keenay ayaa isagu qoraaladiisa ku qeexaya macnaha dawladda ku yidhi :”  Dadku waxay ku noolaayeen loolan iska soo horjeeda taasi oo marka danbena keenaysa in dhinac kastaa uu khasaaro, sidaa darteed noolaha Aadamiga ee caqliga lihi waxay isla garteen intii deegaan iyo dano ka dhexeeyaanba in dhinac kasta tanaasul la yimaaddo si nabad iyo wada noolaansho loo gaadho.

Waana halkaasi ayuu yidhi meesha ay ka soo unkantay dawladnimadu, waxaana uu ku qeexay dawladu inay tahay heshiis bulsho (Social Contract)  Waxaana sidaasi la qaba fikradaha Faylasuufyo kale  oo sida Arsitotal. Markaa shaqa dawladnimo waxa ugu horeeyaa waa inay kala hagto oo xalisho loolaanka joogtada ee baahiyaha iska hor imanaya bulshada si dhinaca kasta u helo nabad iyo nolol wanaagsan.

Dawladu waa awood urursan oo cabsi gelinaysa qof iyo kooxba kan sharciga jebiya madaama heshiis wadareed xal ah lagu unkay dawladda, la’aanteed uu dhinac kasta khasaarayo.  Waxaana muhiim ah inay yeelato awood hogaamineed iyo horumar joogto ah.

Waxa laga rabaa bulshadana inay dawladda fulinta amaradeeda aanay ka hor iman madaama arintu tahay mid iyaga danta ugu weyni ugu jirto.

Leave a Reply